Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo soo saartay go’aan lagu siidayno fanaantii ka tirsanayda Xidigaha Geeska

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa soo saaray go’aan xoriyadoodii loogu soo celinayo xoriyadoodii.

Go’aanka ayaa waxa lagu sheegay in fanaantiinta kala ah Nimcaam Cabdiraxmaan Xasan, Maxamed Axmed Bakaal, Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi iyo Xamda Cabdi Kiinaal loo soo celiyo xoriyadoodi.

Afartan fanaan ayaa waxay ay ka tirsan yihiin kooxda Xidigaha Geeska ayaa waxay bandhig fananeed ku soo qabteen magaalada Muqdhiso oo ay xukuumaddu ku eedaysay in ay kasoo horjeesteen qadiyada Somaliland iyo iyadoo qaar ka mid ah kooxdan ay yihiin shaqaale dawladeed.

Maxkamadda ayaa waxay fartay booliska in ay maanta xoriyadoodu u soo celiso afartan fanaan.

Maxkamadu waxay sheegtay boliisku inuu ilaa hadda ku guuldareystay inay maxkamada horkeenaan sabab sharci oo macquul ah oo ay uga baaqsadeen inay ku dalbadaan amar qabasho iyo inay keenaan xogaha dhacdada, sababta xariga iyo cadaymaha la helay oo faah-faahsan.

bandhige@gmail.com