Fanaaniinta Xidiguhu ma sharcigay ka wayn yihiin (W.Q: Cabdimajiid Iid Aadan Cawaale “Dhinbiil”)

Bismillah, horta marka hore Ilaahay baa mahadleh waxaanan salaamayaa dhammaan ummadda ku hadasha Afka qaniga ee qiimaa badan ee Soomaaliga.

Marka xigta waxaan rabaa in aan halkan wax yar ka bayaamiyo am ka sheego arrinta maalmahan ugu danbeeyay ka socotay ama ka dhex aloosnayd ee hadal-haynteeduna ku badnayd bulshada dhexdeeda.

Arrintaasina waa ta Fanaaniinta Xidigaha Geeska ee ah xdhigooda, xadhigaas oo maalmahan warbaahinta iyo waliba baraha isgaadhsiineed laga hadal hayay.

Horta marka hore Fanaaniinta Xidiguhu sharciga kama weyna, waase ta labaade Xidigaha waxa xidhay Dawlad, dawladaasi oo ah ta ay ka tirsan yihiin ee ay ka amar qaataan waana dawladda Somaliland.

Mida saddexaadna waxa weeyahay ma banaana qof wixii lagu xidhay iyo in uu qaldan yahay iyo in uu saxsan yahayba aanad ogayn in aad u doodo, oo aada tidhaahdo halasii daayo adoon sharcigana eegaynin.

Ta afaraadna wax weeyi haddii Fanaaniinta Xidigaha la xidhay dee macnaheedu maaha in fanaaniintii oo dhan lawada xidhay oo ay halkaa idaacadaha kasoo idhaahdaan waanu xanaaqsan nahay, waanu cambaaraynaynaynaa, meeshaasi  waa sidaa iyo sidaa oo ilaa qarankii dhamaa la fara-galiyo iyadna mabanaana.

Mida kalee iyadna jirtaa waa dee horta Fanaanku dadkoo idil buu u dhaxeeyaa oo waa run, laakiinse hadii sharci qabanayaa uu jiro oo shaqaale dawladeed uu yahay fasax ha waydiisto marka hore maamulkiisa.

Ta u danbaysaana wax weeyi fanaanku abkuu doono ha sheegto oo meeshuu doono ha kasoo jeedo ee uma banaana in uu dawlad iyo arrimaheeda fara-galiyo.

 

Wax Qorey: Cabdimajiid Iid Aadan (Dhinbiil)

cabdimaiidiid@gmail.com