Dhallinyaro Ka tirsan Xisbiga KULMIYE waxay hadhimo-sharafeed u sameeyeen Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada

 

Xubno kamid ah dhallinyarada taageerta xisbiga KULMIYE, ayaa hadhimo-sharafeed ku maamuusay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo katirsan xisbiga KULMIYE.
Munaasibadda hadhimada ah oo lagu qabtay huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, ayaa wax aka qaybgalay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, guddoomiyaha garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi iyo xubno siyaasiyiin da’yar oo safka hore kaga jira halganka xisbiga KULMIYE markiisii labaad ugu jiro inuu talada dalka ku hantiyo.
Egn. Gaaxnuun Ismaaciil Xasan oo isagu ah dhallinyarada firfircoon ee xisbiga KULMIYE, isla markaana si gaar ah u abaabulay hadhimo-sharafeeddan oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ujeeddada uu hadhimada u sameeyey tahay sidii uu u dhiirrigelin lahaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Ayaanle oo isaga oo dhallinyaro ah tusaale wanaagsan u noqday da’yarta dalka oo dhan.

Xubno kamid ah dhallinyarada waqtiga badan geliya guusha uu xisbigu raacdada ugu jiro oo ay kamid yihiiin Eng. Xuseen Ibraahim Buuni, Yaasiin Calase, Siyaad Cumar Cali iyo xubno kale oo halkaas iyaguna ka hadlay, ayaa bogaadiyey hadhim-sharafeedda lagu maamuusay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee wakiillada, waxana ay ammaaneen doorka toolmoon ee uu guddoomiyuhu ku leeyahay dhallinyarada reer Somaliland.

Guddoomiyaha garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi oo isaguna hadallo kooban madasha ka jeediyey, ayaa caddeeyey inuu guddoomiye Axmed Yaasiin halbeeg u yahay guul uu xisbiga KULMIYE kasoo hooyo doorashooyinka dalka kusoo foolka leh ee madaxtooyada.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo isaguna halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa dhallinyarada KULMIYE uga mahadnaqay dedaalkooda, waxana uu kula dardaarmay inay sii kordhiyaan xawaaraha dedaalka ay guusha ku raacdaynayaan.

bandhige@gmail.com