Kim iyo Trump waxa uu midba midka kale ku tilmaamay qof waalan

 

Kim Jong-un ayaa sheegay in maskaxda aanay u fadhiyin oo ay Trump ay ku qancisay in uu ku saxsan yahay hormarinta hubka dalkiisa Kuuriyada Waqooyi.

War qoraal ah oo naadir ah oo uu warbaahinta sii mariyay ayuu hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ku sheegay in ay Trump saamayn wayn ka soo gaadhi doonto khudbaddii uu dhawaan ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay.

Trump oo hadalkaasi ka jawaabaya ayaa sheegay in ninka waalan lool dhaqmi doono si aanu hore u arag. Isagoo arrintaasi ka hadlayana Trump waxa uu yidhi:

“Kim Jong Un ee Kuuriyada Woqooyi, oo sida muuqata ah qof waalan, oo aan dan ka lahayn dadkiisa gaajeysan ama dhimanaya, waxa loola dhaqmi doonaa si aanu hore u arag.”

Labadan dal ayaa bilihii u dambeeyay is waydaarsanayey dagaal afka ah oo sii kululaanayey.

Shiinaha ayaa ka hadlay dagaalka afka ah, wuxuuna sheegay in xaaladda ay sii adkaaneyso, halisna ay noqotay. Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha Lu Kang oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waa in dhinacyada oo dhan ay muujiyaan deganaan, halkii ay sii wadi lahaayeen daandaansiga.”

Ruushka ayaa dhankiisa u sheegay in deganaan la muujiyo. Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa tilmaamay in “Moscow ay aad uga walaacsan tahay xiisadda sii huraysa”.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa Talaadadii sheegay in haddii Maraykanka lagu qasbo in uu is difaaco uu guud ahaanba burburin doono, Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabinaysay gantaallo aan baaxaddooda la sii saadaalinin. Waxayna tijaabisay nukliyeerkii Lixaad, inkastoo cambaarayn xoogan kasoo gaadhay caalamka.

Wasiirka arrimaha Dibedda ee Kuuriyada Waqooyi oo wakhti hore khudbadda Trump ugu sheegay eey ciyay oo kale ayaa ka digay in dalkiisu uu badwaynta Baasifik ku tijaabin doono ban haydarojiin ah, arrintaas oo ay kaga jawaabayaan hanjabaadda madaxweynaha Maraykanka.

Wakaaladda wararka Yonhap ee Kuuriyada Waqooyi ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ka soo xigatay in bamkan uu noqon doono kii ugu awoodda badnaa ee noociisa ah.

Laakiin wuxuu intaa ku daray in aysan ogayn ficilka ay qaadi doonaan maadaama amarka uu bixin doono hogaamiye Kim Jong-un.

bandhige@gmail.com