Diyaaradaha dagaalka Turkiga oo ku biiray duqaynta cirka ee lagu hayo xoogagga Daacish

Diyaaradaha dagaalka ee Tukriga ayaa si rasmi ah uga qayb qaadanaaya duqaynta dhinaca cirka ee lagu bar-timaameedsanayo xoogagga Daacish ee ku sugan dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Arrintani ayaa ka dambeysay ka dib markii ay Tukriga iyo Maraykanku ay isku afgarteen heshiis dhigaayey in Turkigu ka qaybqaato duqaynta dhinaca cirka ah ee ka dhanka ah kooxda Daacish.

Sidoo kale afhayeen u hadlay Pentagon-ka Maraykanka oo lagu magacaabo Beter Cook, ayaa tibaaxay sida ay suurta-galka u tahay in ay dawlada dalka Turkigu ka qayb qaadato duqaymahaas oo haatan maraya meel wanaagsan.

Sarkaalkani waxa kale oo uu caddeeyey in ujeeddada guud ay tahay sidii looga hor tagi lahaa awoodda Daacish ee ku sii fidaysa gudaha dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Inta badan xukuumadda Turkigu waxay ka war wareegi jirtay in ay qaado dagaal ka dhan ah kooxda Daacish, hase ahaate hadda diyaaradeedu si rasmi ah ayay u bilaabeen in ay beegsadaan kooxda Daacish.

Dagaalka iyo duqaynta ka dhanka ah Daacish waxa hormuud ka ah dawladda Maraykanka oo Daacish u aragta khatar cusub oo adduunka ku sii fidaysa una baahan in halkeeda lagu xakameeyo.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

bandhige@gmail.com