Dr. Gabboose wuxu shaaciyey in uu ka fadhiistay siyaasadda iyo dhakhtarnimada

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhakhaatiirta ugu caansan Soomaalida isla markaana ah siyaasi caan ah oo xilal sare ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland iyo xukuumaddii Soomaaliya ayaa maanta shaaciyey in uu ka fadhiistay siyasadda iyo dhakhtarnimadii labadaba.

Sidaa waxa goor dhawayd ku daabacay bartiisa Facebook weriyaha caanka ah Xasan Gallaydh.

Dr. Gabboose ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu u leexan doono dhinaca samafalka iyo cibaadada.