Iiraan: Jeneraal ka tirsanaa Ilaallada Kacaanka oo Suuriya lagu dilay

Jeneraal Xuseen Hamedani oo ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Eeraan oo ku sugnaa Suuriya oo uu talo dhinaca ciidamada ah siinayey ciidamada dagaalka kula jira kooxda Daacish ayaa la dilay Suuriya.

Dawlada Eeraan ayaa sheegtay in Jeneraal Xuseen Hamedani la dilay Khamiistii, waqti uu ku jiray hawl la talin ah oo ku saabsan qabashada maamulka magaalada Xalab.

Eeraan ayaa waxa kaga dhintay gudaha Suuriya dhowr saraakiil ciidamada, Eeraan ayaa waxay taageero siisaa ciidamada Bashaar Al-Asad.

Xuseen Hamedani ayaa waxa uu saamayn weyn ku lahaa xoog ay dawladda Eeraan u isticmaashay mucaaridka dawladda ka soo horjeeda sannadkii 2009.

Dhanka kale duqeynta Ruushka ee Suuriya ayaa wali sii socota.

bandhige@gmail.com