Firdhiyoow Reer Boorama Sidaada Maaha’e Waa Dad Mutacalimiin ah oo Magaaladooda Dumin Maayaan” Faysal Cali Waraabe

Hargaysa (Dawan):-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaab celiyay hadallo maalmahan uu warbaahinta mariyay Axmed Karaash Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Puntland, kaas oo ku baaqayay in Ceerigaabo Khal-khal amni laga abuuro isla markaana waxa uu sheegay inay qabsanayaan magaaladaasi, guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ku boorriyay in aanu kala dilin dadka walaalaha ah ee wada deggan Ceeraabo, waxa kale oo uu xusay in ay magaaladaasi tahay mid ay ku aasan yihiin awoowyaashii oo ay tahay meel muhiim ah.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay horjooga kooxda la baxday Khaatumo oo kulan la yeeshay Odayaal reer 0 Awdal ah, waxaanu guddoomiye Faysal xasuusiyay Firdhiye in aan reer Awdal duminayn magaaladooda oo ay yihiin dadkii aasaasay Somaliland, isla markaana ay aqooni hagayso, waxaanu tilmaamay in aanay sidiisa oo kale u duminayn magaaladooda.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ku dheeraaday nabada iyo faa’iidooyinka ay u leedahay bulshada waxaanu reer Laascaanood ugu baaqay in aanay isku koobin kaliya Laascaanood balse ay leeyiniin Ceerigaabo, Saylac, Burco iyo guud ahaan Somaliland oo dhan, waxa kale oo uu xusay in la soo celin doono Laascaadoon iyada oo cadaaladda lagu soo celinayo.

Gudoomiyaha ayaa sidan ka sheegay munaasibad ay Xisbiga Ucid ku soo biirayeen taageerayaal tiro badan oo ka socda magaaladda Hargaysa, waxaanu bulshada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan wadajirka iyo midnimada Somaliland, sidoo kalena meel uga soo wada jeestaan ilaalinta amniga guud ee dalka.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com