Golaha Dhexe ee UCID waxay Madaxweyne-ku-xigeen u doorteen murrashax saameyn doonna cuddidii ay WADDANI iyo KULMIYE ka filayaan Gobollada Bari

 

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID, ayaa Shirweyne aan caadi ahayn  shalay ku qabsaday Magaalaadda Hargeysa, waxaana shirkaasi lagu soo bandhigay masuuliyiin xilal muhiima oo Xisbiga UCID ka banaanaa kuwaso oo kala ah Murashaxa Madaxweyna ku xigeenka ee ucid , Guddoomiyaha ku meel gaadhka ee Xisbigaasi iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee UCID.

Xisbiga Mucaaridka ee UCID oo  shalay  Huteel Adamis Inn ee Magaaladda Hargeysa ku qabsaday   Xaflad shirweyne aan caadiga ahayn ee golaha dhexe ee Xisbigaasi, waxaana lagu soo bandhigay masuuliyiin buuxin doono xilalkii muhiimka ahaa ee in mudo ah  xisbigaasi ka banaana, kuwaasi oo kala ah Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga UCID Prof. Axmed Cabdi Abyan, Guddoomiyaha cusub ee ku meel gaadhka ee Xisbiga UCID md Maxamed Macalin Xirsi iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee UCID Maxamed Xasan Buuni, waxaana Xafladda shirweynahan aan caadiga ahayn ee Xisbiga lagu qabyo tiray ka soo qaybgalay Madaxda xisbigaasi ugu saraysa oo uu ugu horeeyo Marashaxa Madaxweynaha Faysal Cali Waraabe, Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Xoghayaha Guud ee Golaha dhexe  Maxamed Cumar Xirsi (Jiir), Xoghaha Guud ee Xisbiga UCID Garyaqaan Ismaaciil Cabdi Daahir, masuuliyiinta cusub ee xilalka kor ku xusan loo magacaabay iyo dhamaan Ergadda Shirweynihii hore ee Xisbigu qabsaday oo kala yimid goboladda Somaliland oo shirkan ka soo qaybgalay , Masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee UCID iyo Garabyadda Heer qaran ee Haweenka iyo Dhalinyarta UCID iyo Salaadiin iyo Madax dhaqameed iyo marti sharaf kale oo tiro badan ayaa shirkaasi ka soo qaybgalay.

Xoghayaha Guud ee Golaha dhexe  Maxamed Cumar Xirsi (Jiir) oo ugu horeyn daahfuray u jeedada shirkana sharaxaad ka bixiyey waxaanu yidhi “Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID wuxu sameeyey wax ku ugub ah oo ku cusub Saaxadda Siyaasadda Somaliland, waxaanu gudddoomiye Faysal raadiyey dhamaystirka Qaranka Somaliland gaar ahaan goboladda bariga ee Somaliland oo qaranka ka maqnaa 26 sanno mudo ku dhaw, maadama oo shirweynihii u dambeeyey ee Xisbiga UCID uu awood u siiyey Xeerka ama dastuurka Xisbigu in uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID in uu soo magacaabi karo hogaanka Xisbiga wixii ka banaanaadda inta laga gaadhayo shirweynaha kale ee Xisbiga, waxa maanta halkan ina la jooga Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga UCID oo ka soo jeeda gobolka Awdal waa Cabdinaasir Maxamed Xasan Buuni, waxa kale oo Guddoomiyuhu magacaabay oo xisbiga ku soo daray sida Axsaabta kale ee qaranka waa guddoomiyaha ku meel gaadhka ee UCID md Maxamed Macalin Xirsi, waxa kale oo maanta shirkan loo qabtay in aynu ku soo bandhigno kuna shaacino jadda Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID oo sida sharcigu siiyey isagana uu soo buuxiyey Guddoomiye Faysal oo ah Prof. Axmed Cabdi Abyan kana soo jeeda goboladda Bariga Somaliland ee la filaayo in uu qaranka Somaliland muunad iyo mideyn u noqon doono”

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suld. Cabdiqaadir Suld. Cabdilaahi oo isaguna madasha hadalkooban ka jeediyey ayaa si sarbeeba u tilmaamay Murashaxa  Madaxweynaha ka noqon doona Somaliland doorashadda soo socota “Madaxweyne dalkan ninka ka noqonayaa wuu tilmaaman yahay waa Inshaa Allaahu Tacaala, waa isaga uun”

Guddoomiyaha cusub ee ku meel gaadhka ee Xisbiga UCID md Maxamed Macalin Xirsi oo isaguna halka ka hadlay waxa uu yidhi “Run ahaantii shirkani maanta uu Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID qabatay guul ayuu qaranka Somaliland u yahay, maanta waa badbaadadii Somaliland oo dhamaystirkii Somaliland xisbiga UCID, waanan uga mahadcelinaynaa runtii garashadda iyo hufnaanta siyaasaddeed ee uu muujiyey murashaxa ahna guddoomiyaha Xisbiga UCID ee uu ku garawsaday inay Somaliland hogaamin karaan ragaasi dhalinyarta ee aan ka midka ahay ee Xisbiga UCID taladdiisa maanta loo igmaday”

Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga UCID Prof. Axmed Cabdi Abyan oo kelmadiisa madasha ka yidhi waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Hal kelmed ayaan u dirayaa goboladda aan ka soo jeedo ee Bariga Somaliland ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle , waxaan leeyahay meesha uu deegaankaagu noqonaayo iyo cida aad la dersayso Illaahay ayaa ku doora ee adigu ma dooratid dantiinu waxay ku jirta Somaliland oo aad wax wada yeelataan oo aad ka mid noqotaan waayo cidina Somaliland idin kama leh oo qaranka Somaliland waa mid la wada leeyahay bari ilaa galbeed oo Illaahay ayaa inagu wada abuuray inteena wada leh ee reer Somaliland waana in aynu sinaan iyo caddaalad ugu wada noolaana”

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Caddaaladda Iyo Daryeelka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ugu dambeyntii shirkaasi Khudbad ka jeediyey waxa uu yidhi “Xaqiiqda marka laga hadlaayo waxaan leeyahay maan siinin walaalaheena reer Bariga iyo Galbeekda Somaliland ee waxaan idhi wixii aynu wada lahayn kaalaya aynu wada qaybsanee, marka waxaan leeyahay Somaliland waa loo siman yahay cidi waxay gaar u leedahay maaha waa qaran inaga wada dhexeeya reer Somaliland oo aynu wada leenahay waxaan u mahadnaqayaa raga arintan ka soo shaqeeyey ee goboladda Bariga ka soo jeeda waxa keenay rag Baayac mushtariin ah oo goboladaasi ka soo jeeda oo mutacalimiin ah oo culimo awdiin ah iyo Garaadadii iyo Salaadiintii iyo Cuqaashi ayaa keentay raga aad arkaysaan maanta”

Ugu dambeyntii shirweynaha aan caadiga ahayn ee  golaha dhexe ee Xisbiga UCID ku soo bandhigay Saddexdan Masuul ee buuxiyey Xilalka Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga UCID Prof. Axmed Cabdi Abyan, Guddoomiyaha cusub ee ku meel gaadhka ee Xisbiga UCID md Maxamed Macalin Xirsi iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee UCID Maxamed Xasan Buuni, ayaa sida madasha laga sheegay aan cod gacan taag ah loo qaadin iyada oo lagu sababeeyey in shirweynihii u dambeyey ee Xisbiga UCID qabsado Xeerka dastuurka ee Xisbigu uu  awood buuxda u siiyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng, Faysal Cali Waraabe in uu soo dhamaystiro ama uu magacaabi karo wixii xilal hogaanka xisbiga ama murashax ku xigeenkiisa ka banaanaada in uu sii buuxin karo inta laga gaadhaayo shirweynaha kale ee xisbigaasi qabsoomi diisa isla markaana nidaamka hada lagu soo xulay saddexdan masuul loo raacay xeerka UCID.

Xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gmail.com