Wasiir Garas wuxu u caqli celiyey Kaadiriin WADDANI ah oo ku abtirsada Beesha Murrashaxa KULMIYE oo meel-kaga-dhacay milgihii xisbiga ay metellayeen

 

Wasiiru-dawlaha wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Yuusuf Cismaan Garas ayaa si adag uga jawaabay hadallo laaqi ah oo siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI ka soo yeedhay kuwaasi oo isu wakiishay arrin aan iyaga wax laga weydiinayn   oo  ku saabsan musharraxnimada guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. Xubnahan uu wasiirku ka jawaabayo hadalkooda ayaa mar ay toddobaadkan warbaahinta la hadleen waxa ay qaab beellaysan oo dhegxumo ku ah nidaamka xisbiyada badan ee Somaliland ka hirgalay u qabyaalladeeyeen musharraxnimada Muuse Biixi Cabdi oo ay ku doodeen in beeshoodu katanaasushay xilkaas, iyaga oo u nisbeeyey in Muuse Biixi aanay la soconin siyaasiyiintii beeshiisu. Isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Kolley arrintii ka soo yeedhay siyaasiyiinta WADDANI ee  la beesha ah murrashaxa xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, runtii wax aad iyo aad iiga yaabiyey bay ahayd.”

Wasiir Garas waxaa uu sii faahfaahiyey hadalkiisa waxaanu  su’aal geliyey ujeedadaka dembeysa siyaasiyiintaasi WADDANI   hadalladooda, kuwaas oo ceebku ah nidaamka dimuqraadiyadeed ee aynu ku dhaqanno waxaanuj yidhi:

“Innagu saddex murrashax baynu leennahay oo saddexda xisbi qaran kasoo kala jeeda, laakiin sida aan anigu ku ogaaa nidaamka xisbiyada innagu ma lihin murrashaxiin reero ah oo la leeyahay innaga oo reer Hebel ah baa murrashax ah iyo innaga oo reer hebel ah  waxaanuka tanaasulnay musharraxnimadii  aanu rabnay, taasi waxay gef ku tahay dhabihii xisbinnimo ee aynu jeexannay, waayo musharraxiintu kuma sallaysnayn reerka ay ka soo jeedaan, taasina siyaasiyan waxay noqonaysaa mid dhaawac weyn ku ah sumcaddii Somaliland iyo geedi socodkii dimuqraadiyada, weliba nimanka hadalladaasi yidhi rag aqoon yahanno ah oo wax la bidayay bay ahaayeen oo rejadooda mustaqbalka ee siyaasaddeed loo han weynaa. Hadalladaaasi marka la dhadhamiyo waxa keliya ay tusaale u noqonaysaa in markii ay raggaasi waayeen wax kale oo Iimo ah oo murrashax Muuse lagu cambaareeyo inay lanoqoto inay yidhaahdaan ninkani [Muuse Biixi] Ilmaadeerradii ma wato, waxayse hilmaansan yihiin inay dimuqraadiyaddu ay meesha ka saarayso inuu musharraxu ilmaadeeradii  aanu wada wadankarin oo ay qaar kasoo horjeedaan qaarna taageersan yihiin, Laakiin Muuse Waxaa uumusharrax u yahay xisbiga KULMIYE,  xisbiga KULMIYENa waxaa ku dhan dhammaan dadka Somaliland wada dega, xisbiyada kalena waxaa u sharraxani waa rag nala tartamaya annaga, garoon baana la isla tegi doonaa nin iyo nasiibkii iyo kartidiisa lagu kala bixi doono.”

Dhinaca kale waxa uu farriin talo ah u soo jeediyey xisbiga WADDANI iyo siyaasiyiintiisa ay hadallada cunfiga ahi kasoo yeedheen, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Mar haddii ay raggaasi metelayaan Xisbiga WADANI oo xisbi mucaarid ah waxaa looga  baahan yahay inay la yimaadaan barnaamij siyaasadeed oo hufan ooay dadka ka iibiyaan laakiin inay ku doodaan hebel maalintiiisii maaha taasi waa gef oo Illaahay baa og qofka maalinta uu xilka u dhiibayo. Waana nasiib darro in raggaas oo uu kamid ahaa saaxiibkay Cali oo wax qoraa in uu yidhaahdo hadallada noocaas ah, waayo Muuse waa nin waayo aragnimo badan leh hoggaamin siyaasi ahna leh.”

Gebogabadii mar wasiiru dawlaha  wax laga weydiiyey abaarta ay daarran tahay jawaabtiisani iyo  fasirraada laga dhadhan san karo ka sheekaynta sooyaalka Murrashaxa KULMIYE waxaa uu kaga jawaabay:

“Runtii waa su’aal aad u muhiima oo wanaagsan waayo waa mid uu caqliga bani aadamku is weydiin karo, aniguna nin dhalinyar ah baan ahay,qof kastaana wuu jecel yahay in la magacaabo oo uu nolosha heer kagaadho, laakiin shakhsiyan anigu waxan aaminsanahay in shaqooyinkaygii hore ee aan haystay [xilka aan hayo ka hor] ayaa iiga manfac badnaa  oo ay iiga dhib iyo mashaakil yaraa siyaasadda inta aanku jiray. Calaa ku xaal waxaan is leeyahay haddii Muuse uu ku guulaysto tartanka idamka illaahay wuu ku guulaysane haddii uu igu soo darayo iyo haddii kaleba shay baa arrintaas ka horreeya, kaasoo ah horta waxaas qoraal rabbaani ah ma u leedahay.”

Xigasho: Hubaal Media.
bandhige@gmail.com