Golaha Guurtida ayaa diidey codsigii Madaxweyne Siilaanyo ku doonayey in muddo-kordhinta wax lagaga beddelo

Kalfadhigii 57aad ee Golaha Guurtida oo saaka si rasmi ah u furmay waxa lagaga hadlay muddo-kordhintii ay u sameeyeen xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, waxaanay Golaha Guurtidu sheegeen in aanay marnaba ka noqonayn go’aankii muddo-kordhinta ee ay sameeyeen isla markaana kana diideen codsigii Madaxweyne Siilaanyo.

Codsiga uu Madaxweyne Siilaanhyo soo jeediyey ayaa ahaa in Golaha ay wax-ka-beddel ku sameeyaan go’aan ay horay uga gaadheen muddada la qabanayo doorashada, lana waafajiyo heshiiskii xisbiyadu wada galeen ee ahaa in la qabto doorashada Diisambar 2016-ka.

Kalfadhigan waxa guddoomiyey ku-simaha Guddoomiyaha Guurtida Siciid Jaamac Cali wuxuna yidhi: oo hadlay kalfadhigan ayaa waxa uu yidhi:

“Waxa jira go’aamo iyo heshiishyo xisbiyada iyo xukuumaddu ka daba keeneen go’aankii Guurtida, arrinkaasi waa sharci-darro. Asxaabtuna waa in ay ixtiraamaan Dastuurka oo ah waxa ay ku dhisan yihiin ee ay asxaab ku yihiin ee ay ku hadheen ururradii kale.”

Siciid oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Dastuur baa ha’yado lagu yahay, dastuurka ayaa kala qaybiyey ha’yad walba awooddeeda. Dastuurku muddo-kordhinta xukuumadda iyo Wakiillada waxa uu siiyey Golaha Guurtida, iyadoo la tix raacayo qodobo Dastuuri ah, cid kasta oo khilaaftaa waa cid ku xad-gudubtay dastuurkii qaranka ee aan dhigannay.”

Siciid ayaa sheegay in muddo kordhinta Golaha Guurtidu samaysay aan waxa kale laga daba keeni karin. Waxa kale oo uu xildhibaannada u sheegay inay Khamiistii kulan la yeesheen madaxweyne Siilaanyo oo uu ka codsaday in la iswaafajiyo go’aankii Guurtida iyo xalkii siyaasiga ahaa ee xisbiyada iyo xukuumaddu galeen.

Go’aankan cusub ee Guurtida wuxu god dheer ku ridayaa xalkii siyaasiga ee ay saddexda xisbi isla gaadheen kadib murankii ka dhashay dib-u-dhicii doorashada.

bandhige@gmail.com