Guddoomiyaha cusub ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta xilkii si rasmi ah ula wareegay

Kadib markii Salaasadii Shirweynaha Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Waddani uu Xirsi Cali Xaaji u doortay Guddoomiyaha cusub ee shanta sanno ee soo socda ayaa maanta Guddoomiyihii hore ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi uu si rasmi ah xilkii guddoomiyenimo ugu wareejiyey Xirsi.

War kooban oo uu Guddoomiyaha cusub soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidan u dhignayd:

“Maanta waxay qabsoontay xilwareejintii rasmiga ahayd oo uu xilkii igu wareejiyay Guddoomiyihii hore ee xisbiga Waddani.
Murashaxa Alle ha ku guuleeyo hanka madaxweynanimo, anigana Ilaahay ha igu asturo xilkan cusub. Taageerayaasha xisbiga iyo dhammaan dadka Somaliland way mahadsanyihiin.”

Xirsi ayaa hore u ahaa Hoggaamiyaha xisbiga Waddani, jagadaas oo ahayd mid aan awood lahayn laakiin madax buuxin ah.

Doorashada loo doortay Xirsi in uu noqdo Guddoomiyaha Waddani iyadoo aanu aasaasihii xisbiga Cabdiraxmaan Cirro weli ku guulaysan madaxweynenimo ayaa ahayd tallaabo ugub ku ah Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro oo arrintan ka dareen celiyey ayaa sheegay in ujeeddada uu xisbiga u wareejiyey ay ahayd in uu bulshada reer Somaliland ka dhex abuuro is aaminaad siyaasadeed.

bandhige@gmail.com