Fadeexaddii Watergate 1972kii waxay Timi ka dib markii shan nin oo khaayimiin ahi ay goor habeennimo ah u dhaceen oo ay jabsadeen Goobta uu ku yaallo Xafiiskii Xisbiga Dimoqraadiga ee loo yaqaan watergate iyagoo howshii ku guda jira oo markaas uun jebiyay qufulkii qolalka xogtu ku jirtay, ayaa boliisku ku soo gaadheen waxay yidhaahdeen is dhiiba ma baxsan kartaan.shantii nin way is dhiibeen madaxa ayay gacmaha saareen.nimanka kolkii hore waxa la moodayay inay yihiin Tuug Gangs ah, Hase ahaatee waxay noqdeen niman Xisbiga Jamhuuriga oo markaa talada dalka Maraykanka hayay xidhiidh la leh oo waliba ah dad magac leh oo la yaqaanno.
Hayโadda sirdoonka ee FBI ayaa ka howl gashay baadhista arrintan waxay gashay Xisbiga Jamhuuriga,haddana waxay gashay Madaxdii Xukuumadda,ugu danbayn waxay gashay aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha Richard Nixon oo waliba xilligaas olole doorasho ku jiray,waxa la ogaaday inuu M/weynuhu ku lug leeyahay, markaas ayay Fadeexaddii faaftay oo ay meel kasta ka dhacday,waxa ka fadhiistay Golaha Congress ka Waxay noqotay in lagu qanciyo inuu is Casilo Madaxweyne Nixon,si aan xil ka xayuubin loogu samayn waayo haddii xilka laga qaado waxa ku xigi lahayd Maxkamad sidaas ayuuna isku Casilay Nixon.waxaana Cafiyay Madaxweynihii kala wareegay Xilka Gerald Ford.
Dadweynaha Maraykanka iyo Madax badan oo adduunka ka mid ah ayaa ka dareen Celiyay sida ay uga xun yihiin in Xisbiga mucaaridka ah ee Dimoqraadiga in Xogtooda la isku dayo in la jabsado oo waliba xukuumaddu ay Abuse ku samayso maaddaama ay iyadu talada dalka hayso.
Sababta loogu bixiyay fadeexad ama ceeb waxa la filayay in Cid kale jabsatay xarunta xisbiga dimoqradiga lakiin markii la ogaaday inay xukuumadda tahay. ayay Ceeb tacaal!! noqotay waayo.Dadku may filayn in xukuumaddoodu ay dib ugu soo hoos noqon karto gudaha dalka gaar ahaan xisbi mucaarid ah,sidaas darteed waxa yaraaday kalsoonidii ay ku qabeen xukuumadda.waxa kaloo ay dhaawac wayn u gaysatay siyaasaddii arrimaha dibadda ee Maraykanka.
Waxa Baadhistii ay galaafatay oo ku caddaatay 69 qof, oo 48 ka mid ahi ay yihiin Madaxdii xukuumaddii Richard Nixon,waxyaabihii mahadhada reebay waxa ka mid ahaa Qufulkii ay nimanka jebiyeen oo lagu baayacay lacag badan oo gaadhaysa US $ 60,000 iyo qalab kale oo nimankaasi lagu qabtay sida Radio walk talk ah,waraaqo,lacag yar oo kaash ah,waxa kaloo mahadho reebay qalinkii uu Gerald Ford ku qoray warqadda Cafiska ee Nixon oo isagana loo reebay Xusuus ahaan oo la dhigay Carwooyinka.
Maxaa laga bartay fadeexaddii watergate waa run oo xogta in la kala xadaa waa danbi wayn ama ha ahaado Xisbi mucaarid ah ama ha ahaado xukuumad ee waa xad gudub in la kala xado xogaha,waxay faaโiidaysay in Xisbiyada Muaaridka ah ay helaan dhowrsoonaan dheeri ah oo aan lagu xad gudbin Xogtooda,waxa kaloo ay baraarujisay in aan xogaha xukuumadda aan si yar loo faafin Karin oo ay tahay danbi wayn oo laga galay qaranimada.
Xagga shariyada 1976 waxa baarlamanku ansixiyeen (National Emergeny Act) waxa uu dhigayay Check and palance (Awood qaybsi) loogu xaq soorayo awoodaha Madaxweynaha,xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka
Sidoo kale 1974 waxa la meel mariyay Mooshin lagu xallinayo dadku inay Xogtooda ay u leeyihiin xaq inay ilaashan karaan oo ay tahay Cidda jabsataa danbi wayn.
1978 waxa la soo saaray sharciga (Ethics in Government Act) in saraakiisha dowladda iyo madaxda la baadhi karo haddii loo baahdo.xataa haddii uu yahay Madaxweyne.
Rashiid Odowaa
063-4101213