Guddoomiyaha Kulmiye oo magacaabay xilal cusub

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay xilal cusub oo ay ku jiraan qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Gobollada iyo xubno ku soo kordhay madaxda xarunta dhexe ee xisbiga.

Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa wareegto uu soo saaray shalay waxa uu Guddoomiyayaal u magacaabay shan Gobol, halka laba masuul oo kale loo kala dhiibay warbaahinta iyo xidhiidhiyaha Gobollada ee xisbiga.

War-saxaafadeed oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Kulmiye aya waxa u dhignaa sidan:

 

Ku: Amiin Muuse Xirsi                    Gabiley

Ku: Xasan Cabdillaahi Xirsi             Burco

Ku: Axmed Ismaaciil Jaamac          Borama

Ku: Maxamed Cawad Faarax           Ceerigaabo

Ku: Axmed Maxamed Daadey          Laascaanood

Ku: Saalax Muxumed Idiris             xarunta dhexe ee xisbiga

Ku: Cali Jaamac Maxamed               Xarunta dhexe ee xisbiga

Og: Sahal Aadan Maxamed              Burco

Og: Muuse Carab Dugsiiye              Awdal

Ujeeddo: Magacaabid xilal

Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 01/09/2015, waxa loo magacaabay xubnaha hoos ku qoran mid walba xilka ku hor qoran.

  1. Amiin Muuse Xirsi     –   Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
  2. Xasan Cabdillaahi Xirsi     –   Guddoomiyaha Gobolka Togdheer
  3. Axmed Ismaaciil Jaamac –   Guddoomiyaha Gobolka Awdal
  4. Maxamed Cawad Faarax –   Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
  5. Axmed Maxamed Daadey-   Guddoomiyaha Gobolka Sool
  6. Cabdillaahi Maxamuud Guray -Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Sool
  7. Jaamac Dheeg Cartan      –  Xoghayaha Gobolka Sool
  8. Saalax Muxumed Idiris (Shiine)- Xidhiidhiyaha (Co-ordinator) Gobollada iyo xarunta Dhexe ee xisbiga Kulmiye
  9. Cali Jaamac Maxamed     – Madaxa warbaahinta (media) ee xarunta xisbiga Kulmiye.

Guddoomiyayaashii horena waxa looga mahadcelinayaa sidii wanagsanayd ee ay noola soo shaqeeyeen, iyaga oo soo gali doona xarunta dhexe ee xisbiga.

bandhige@gmail.com