Ismaaciil Hure Buubaa oo soo gaadhay Hargeysa

Siyaasiga weyn ee ruugcadaaga ah Ismaaciil Hure Buubaa oo hore u aaminsanaa mabda’a Soomaali weyn hase ahaateen dhawaan sheegay in uu ka noqday mabdi’i uu hore u aaminsanaa ayaa soo gaadhay Hargeysa oo si wayn loogu soo dhaweeyey.

Muddo 25 sanno ah ayuu dibed meer ahaa ka dib markii ku dhawaaqayn in uu ka soo horjeedsaday gooni isu-taaga Somaliland.

Ismaaciil Hure Buubaa ayaa hore ka mid ahaa ururkii SNM ee xoreeyey Somaliland iyo xukuumaddii ugu horeysay ee Cabdiraxmaan oo uu ahaa wasiirka Maaliyadda.

Intii uu dibeda ku maqnaa xilal wasiirnimo ka soo qabtay Soomaaliya, dad badan oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa tibaaxay in wakhtiga uu Ismaaciil waayey meel xukuumadda Soomaaliya ka galo, sidaas daraadeed uu u bedel go’aankii hore ee Soomaali weyn.

Maaha markii horeysa ee siyaasi u dhashay Somaliland oo hore u aaminsanaaa Soomaali weyn lagu soo dhaweeyey Somaliland.

Hure buubaa

bandhige@gmail.com