Wasiirka Cadaaladda iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la garsoorayaal

Wasiirka wasaaradda cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid iyo Gudoomiyaha Maxakamada Sare Aadan Xaaji Cali ayaa kulan la yeeshay garsoorayaashii dhawaanta loo magacaaabay Maxkamadaha dalka.

Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii ay bahda cadaaladda iyo garsoorku u dardar galin lahaayeen adeegyada sharci ee ay ummadda u hayaan, taasi oo ay ka dhawaajiyeen inay furre u noqon doonto sida ay shaqooyinkooda u kala qabsadaan Garsoorayaasha cusub iyo Guddoomiye-yaasha Maxkamadduhu.

Waxaana halkaasi kula hadlay Garsoorayaasha cusub iyo Guddoomiyayaasha la dhawaan ta loo magacaabay Maxakamaddaha dalka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Aadan Xaaji Cali waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan:

“Haddii qof meel ka fadhiyo oo uu iska yuururo, isaguna wuu ku baaba’ayaa oo dhaqdhaqaaqu had iyo jeer faa’iido ayuu keenaa, markaa halkan waxaan dardaaran ku siinayaa saddexda Guddoomiye ee cusub ee xilka la wareegi doona, waxaan kula dardaarmayaa, in ay la yimaadaan fikir iyo hal abuur cusub, waayo qofka meel loo xilsaaro ee loo dhiibaa isaga ayaa masuulka koowaad ah, markaa waa inaad lahaataa hal-abuur iyo hiigsi isbedel oo aad rabtid in aad gaadho, mana aha inaad iska fadhido uun.”

Sidoo kale waxa dardaar u soo jeediey Garsooreyaashii cusub ee dhawaan la magacaabay waxaanu yidhi:

“Waxaan idin kula dardaarmayaa Garsoore kastaa waa inuu hal-abuur la yimaadaa, maaha in aad cid ka sugto, waxyaabaha aan rabno inay maxkamaddaha hoose ka muuqdaan waxa ka mid ah, Gudoomiye-yaasha Maxkamaduhu maaha inay Garsooreyaal noqdaan, oo konton dacwadood madaxa ku sito, waa in uu meel fadhiisto oo uu Garsoore-yaasha maamulo, oo ay bulshadu wakhti u helaan ay cabasho soo gaadhsiin karaan, taasi oo looga caban karo Garsoorka, Kaaliyaha, iyo Shaqaalaha kaleba looga caban karo, waana inaad ka jawaabtaa cabashooyinka bulshada kaga yimaada ee ay ku soo waydiyaan.”

Magacaabista cusub ee Garsooreyaasha iyo kulamadan ayaa wax weyn ka tari doona adeegyada sharci ee ay maxkamadduhu u fidiyaan bulshada oo kalsooni daro badan ku qabey.

bandhige@gmail.com