Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo uga digay shirkaddaha Isgaadhsiinta in aanay wax talo ah ku yeeshaan xeerka isgaadhsiinta Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal ayaa shalay shir saxaafadeed uu ku qabtay xafiiskiisa kula hadlay qaar ka mid bahda saxaafada, ayaa waxa uu baaq u diray shirkaddaha isgaadhsiinta ee ka hawlgala Somaliland, isagoo uga digay in ay wax tallo ku yeeshaan xeerarka ay dhawaan samaynayaan baarlamaaka Soomaaliya ee isgaadhsiinta la xidhiidha.

Sidoo kale waxa uu wasiirku cadeeyey in xeerarka isgaadhsiinta Somaliland uu dhamaystiran yahay, waxaanu ka booriyey madaxda dawlada Soomaaliya in ay dadkooda u shaqeeyaan balse ay Somaliland iska ilaawaan, waxaanu intaasi raaciyey oo shaaca ka qaaday shirkada ka qayb qaadata ama fulisa xeerarkaasi ay waddo dawlada Soomaaliya in ay u fasixi doonaan inay dalka ka guurto.

Wasiirka boosaha oo arrimahaasi ka hadlaaya waxa uu yidhi:

“Horta aniga maanta waxa i horyaala xeerkii isgaadhsiinta Somaliland ee 2010-kii ay gollaha wakiiladu soo ansixiyeen, kaasi oo ilaa hadda isgaadhsiinta dalka lagu maamulo, hase ahaatee maanta Xamar waxaa lagu wadaa Xeer kale oo isgaadhsiinta ah oo inta inaga khusaysaa ay tahay kaliya furaha labbada al ee Somaliland iyo Soomaaliya. Sidaas awgeed waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo inaanu Xeer leenahay oo aanu dawladnimada ku kala tagnay, oo aanu xeerkaasi haba yaraatee anaga wax naga khuseeyaa aanu jirin, hadii wanaaga la waayana anaga waxayagu waa noo diyaar waanu ku shaqaysanaa, waxaan leeyahay walaaladayo dadkiina u shaqeeya taayada inta aad iska ilowdaan idinma khusaysee.”

Mar uu Wasiirku uga digaayey shirkadaha isgaadhsiinta ku dhaqanka xeerarka laga leeyahay Muqdisho waxa uu yidhi:

“Waxaan maanta halkan uga sheegayaa shirkadaha isgaadhsiinta ee wada-shaqaynta iyo xeerkuba naga dhexeeyo, in aanu xeerka Muqdisho aanu khusayn, lamana xidhiidhi kartaan, lama hadli kartaan, tallo kuma darsan kartaan, amaro aad ka qaadataana hadalkoodaba iska daaya, waxa wanaagsan inay ka wada-shaqayno kalsoonideena, laakiin ciidii ay doonis ka muuqataa waanu u fasaxaynaa dhankaas hayskaga noqdaane.”

Baryahan danbe ayaa waxa Muqdisho ka bilaabmay samaynta xeerka ay ha’yadaha dawladu ku shaqayn lahaayeen oo ay iyagu badankooda ku saleeyaan wixii la isku odhan jiray Soomaaliya.

bandhige@gmail.com