Marwada koowaad oo baaq u diray saxaafada Somaliland

Marwada koowaad Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Aamina-weris) ayaa waxay baaq u dirtay guud ahaan saxaafada Somaliland, waxaanay marwada ku boorisay inay saxaafadu in ay ka shaqayso guud wixii dalka iyo dadka dan u ah, sidoo kalena ay iska dhawraan wararka aan xaqiiqda ahayn, kuwaasi oo ay soo sheegaan suxufiiyinta aan aqoon badan lahayni.

Aamina-weris oo arrimahaasi ka hadlaysaana waxay tidhi:

“Maanta saxaafada erey ayaan odhanayaa, beryahan abaar ayaynu ka cabanaynay oo waa tii Hargeysa roobka wayni ka da’ay, maalin dhawayd aniga Telefishan daawanaya ayaa waxa qodobadii hore ee Telifishankaasi ku qornaa magaaladii Hargeysa oo xashiish qariyey, oo cid ka fiiqdana wayday, hadda may odhan abaartii ayaa ilaahay inaga jabiyey, isla subixii markaan joornaalka arkayna labba ka mida jaraa’idada dalka ka soo baxa waxa uu ciwaankoodu ahaa, dariiqyadii Hargeysa oo ay buuro khashin ah tuulan yihiin, tallow Dawladii Hoose meeday.”

Sidoo kale Marwada koowaad oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay intaasi raacisay oo ay codsi u dirtay guud ahaan saxaafada Somaliland waxanay tidhi:

“Marka dharkeena wasakhda ah aynu debada ku wadhayno, waxa ka wanaagsan inagoo horta ilaahay u xamdi naqna nimacdiisa oo ku xamdina abaarta uu inaga soo furtay, ileen waa dalkeeniiye haynu wax wanaagsan u soo horeysiino oo aynu sheegno.”

Guud ahaan dardaarankii marwadda koowaad ayaa waxa uu ekaa saxaafada oo kaliye oo mararka qaar soo tabisa warar aan xaqiiqda ku salaysnayn, balse inta badan soo tabiya warar xaqiiqda ku salaysan oo isku jir dhaliilo muuqda iyo qaar kaleba.

Saxaafada waa adeegaha bulshada tusa waxa la qabtay, dhaliisha jirta iyo waxa dhiman iyo hadba xaalada siyaasadeed ee dalku ku jiro iyadoon marna laga tagay anshaxa saxaafada.

bandhige@gmail.com