Guddoomiyaha Kulmiye wuxu soo kormeeray habsami-u-socodka Diiwaangelinta Codbixiyaha

????????????????????????????????????

Guddoomiyaha Kulmiye, ahna murrashaxa jagadda Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi  iyo wefti uu hoggaaminayo beryahanba ku sugnaad Gobolka Togdheer ayaa waxa uu shalay soo kormeeray habsami-u-socodka diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ee ka socota guud ahaan deegaanadda Gobolka Togdheer.

Kormeerkan ayaa waxa uu ahaa mid indho-indhayn uu ku sameynayey goobaha diwaangelintu ka socoto gaar ahaan magaalada Burco.

Hore ayaa wxa uu Guddoomiyaha iyo weftigiisu uga qaybgaleen shaacinta diwaangelinta codbixiyaha lagu daahfuray bilowga diwaangelinta codbixiyaha oo ay ka soo qayb galeen  axsaabta siyaasadda, wakiilo ka socday dalalka qaadhaanbixiyayaasha, madaxda heer gobol iyo degmo iyo daneeyayaasha hawlaha doorashooyinka.

Murrashax Muuse Biixi oo hadal kooban ka jeediyey madasha daahfurka diwaangelinta codbixiyaha ayaa waxa uu bulshada ugu baaqay in ay ka qayb qaataan diwaangelinta codbixiyaha, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

Waxaan dhammaan hambalyeynayaa ummadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo cid kastoo ka qaybqaadatay diiwaangelintan codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland, ha ugu horreeyaan qaadhaan-bixiyayaashu iyo xukuumaddaba, waxa kaloo aan aad u hambalyeynayaa Guddiga Doorashooyinka oo ilaa hadda hawshooda si fiican u wata, waxaannan leeyahay halkaa ka sii wada.”

Goobaha uu Guddoomiyaha iyo weftigiisu  booqdeen ayaa waxa ka mid goobaha kala ah dugsiga hoose/dhexe ee Sheekh Yuusuf Kawniin, Garoonka kubadda cagta ee Alamzey iyo kuwo kale, waxaannu ka xog-waraysanayey hawlwadeennada ka shaqaynaya siday hawshu ugu socoto iyo inay jiraan wax caqabado ahi, isla markaana waxa uu ku dhiirrigelinayey dadweynaha safafka ku jiray inay samraan oo ay wada qaataan kaadhka codbixinta.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com