Tacsiyey maxaad tahay? Q.1aad (W.Q: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

Sida ay ku dureersantay sunnada Eebbe, dhammaan aadanaha waxa badanaaba soo waajaha arrimo ugub ah iyo kuwo curad ahba. Dharaaraha kooban ee la dul taxaashayo dunida, waxa la arkaa tilmaamo togan iyo kuwo taban labadaba, kuwaas oo qaar aadanaha farxad geliyaan, badhaadhe iyo barwaaqona qalbigisiisa ku beeraan.

Dhakafaarka iyo dhibtu waa astaamo aadanaha dakano ku ah kuwaas oo dhinaca kale dadka ku beera werwer, walaac badan iyo walbahaar ku dhaca dareennada kala duwan ee Rabbi ku maansheeyay ruuxda qofka aadanaha ah. Kolka aafooyinkaasi aadanaha haleelaan wuxuu miciin bidaa cidda ugu dhaw ama se uu ugu jecelyahay ee dhab u aaminsan yahay dhumucda waxtarkiisa – aqoonyahannada diintu yagu ciddii abuurtay dhibta iyo dheeftana alkumtay ayay miciinsadaan. Raxmaanka ayay gacmaha hoos hoorsadaan si haddimada haysata halhaleel uu uga dulqaado, horumar iyo hanaqaadna ugu beddelo. Labada dhinac tan danbe ayaa amaan xeel dheer mudan.

Walow dunida laga sameeyay horumarro baaxad leh, kuwaas oo taabtay geesaha nolosha oo idil, haddana waxa weli murugo weyn ku haya masalooyin xalkooda la laayahay taas oo hadh iyo habeen lagu dedaalay in wax laga qabto, haddana aanay abid suurtogali karin in wax laga qabto. Sideedaba cudur waxa la dawayn karaa kolka dawadiisa la helo.

Tolow waa maxay mas’aladaas indheer garadku ka maagay, aqoonyahankuna la ildaran yahay xalkeedu? Warcelinta oo kooban ayaa noqonaysa ‘geerida’. Waa taas ee yaa wax ka qaban kara? Ma se jiraa ruux odhan kara aniga ma dhadhamin doono geeri? Weydiimahaas oo dhan waxay leeyihiin hal warcelin ah – maya.

Haddaba, mar haddii uu qof kastaa u hoyan doono hoy aynu ku leennahay dhulka hoostiisa, waxa innala habboon in dedaallo xooggan loo galo sidii hoygaas loo sii qurxin lahaa; waxa innala gudboon in Rabbi danbi dhaaf la weydiisto oo amarrada uu inna faray hawraarsan iyo guddoon nidhaahno wixii uu innaga reebayna,hagaag nidhaahno.

Tacsidu ma bannaan tahay?

Dad badan, oo wadaad iyo wabiin ba leh, ayaa weydiintaas ka amakaagi kara oo ay yaab iyo af-kala qaad ku noqon kartaa? Waan xasuustaa saaxiib dhawr gu’ ka hor i weydiiyay, “Weligay kuma arag adigoo barkulannada iyo meelaha warbaahinta cid tacsiyadaynaya, waayo.?” Goorsheegtu waxay ahayd shanti fiidnimo maalin Jimce gu’gii 2014 badhtamihiisii kola an masaajid ka dhigayay dhigganaha uu qoray Ibnu Xajar al Casqalani ee loo yaqaanno Buluuq al Maraam min Adillati al Axkaam. Kola an sharraxaynnay xadiis kitaabka ku jira ayuu arday na weydiiyay.

Ugu horreyn, kolka uu qofku dhinto, Soomaalida iyo ummado kale waxay gawracaan xoolo. Xoolahaas waxa loo loogaa dadka ka soo qayb galay goobtan muruga badani hadhaysay. Carabtii hore arrintaa way samayn jireen waanay yaqaanneen. Kolkii Nebigu SCW yimid wuu diiday. Daliilka aan ku ladhno. “Islaamku ma oggola caqri.”

Caqri waa xoolaha loo qalayo ruuxa dhintay si dadka loo siiyo una cunaan. (Tixraac: Abuu Daa’uud 3222 iyo Cabdirisaaq binu Hammaam Asancaani musannafkiisa). Wuu sugan yahay xadiisku shardigii Muslim sida uu sheegay Buweysiri. SH Albani wuxuu yidhi, “Shardiga labada sheekh; Bukhaari iyo Muslim wuu ku sugmayaa. SHariif Cabdi Nuur wuxuu leeyahay waa xadiis saxiix ah.

Waxa la odhan karaa xadiiskan ma xoog badna waayo waxa weriyayaasha ka mid ah Macmar oo Saabit ka werinaya – ninkaasi wuxuu weriyo na lama qaato oo waa nin aan lagu kalsoonayn. Arrintaasi waa dhab – haseyeeshee Muslim shardigiisii wuu buuxiyay. Sidoo kale, Axmed binu Xanbal na sidaas ayuu marayaa.

Kolka qofi innaga dhinto in badan waxa dhacda in dhammaan warbaahinta lagu baahiyo magaciisa, dadka la wargeliyo loona sheego in hebel dhintay. Waxa tacsi dira dhammaan dadka ay qaraabada yihiin iyo dabcan dadka ay danaha wadaagaan. Arrimahaas diinta Islaamku maxay ka qabtaa?

Carabtu way yaqaanneen arrintan aan maanta ku kacno. Kolka qof magac lehi dhinto, waxay kori jireen meel sare. Halkaas ayay magaciisa ka sheegi jireen. Aad iyo aad ayay u ammaani jireen. Ciidan fardoolay ama rati wadata ayay kolalka qaar diri jireen si dadka geyigaas oo dhan loo ogaysiiyo. Goobaha bulshadu ku kulanto sida dhul-daaqsimeedka iyo ceelasha ayay tagi jireen oo dadka u ammaani jireen qofka dhintay. Saxaabiga Xudeyfa binul Yamaan ayaa kolkii uu dhimanayay ayuu yidhi, ‘Geeridayda cidna ha ogaysiinnina waa tacsidii Nebigu SCW diiday.”

Geesta kale haddii maslaxo diineed ku jirto waa se la yeelayaa. Tusaale ahaan haddii cid aasta la waayo, oo loo tago dadka jaarka oo la yidhaahdo hebelbaa dhintee kaalaya nala aasa.

La Soco Qaybaha Danbe iyo Daliillo Dheeraad Ah:

Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”

DALXAAUTHOR@GMAIL.COM