Gabiley, guyaal tagay iyo gobolnimo-raadiskii, Q.11aad (WQ: Cabdilaahi Maxamed Cumar)

Akhristayaal, waa qormo cusub iyo taxanaheennii la magacbaxay; gobolnimoraadiskii Gabiley. Qormadeennan maanta waxaynu shiishka saari doonnaa -haddii Eebbe idmo, talo aynnu siinayno; dadweynaha sharafta leh ee deggan gobolka Gabiley. Taladaasi oo ku saabsan, sidii si muunad iyo mugba leh loogu hawlgali lahaa gobolnimada buuxda ee gobolka Gabiley.

Haddii aynnu ka duulno hal-ku-dhegga Soomaaliyeed ee yidhaahda, ” Ilko wadajir ayay wax ku gooyaan”; waxa lagama maarmaan ah, in la isku tiirsanaado oo wadajir iyo si midayasan wax loo wada qabto.
Tabantaabada ayay laba gacmood tamar ku yeeshaane
Tiska waxa la qaadaa markay tiirisaa bidix
Ee haddii midigtu keli taagan tahay
Tahar ma goyseen!” 
Murtidaasi waxa laga guntay gabayaa Soomaaliyeed. Waana xigmadii ay ku shaqayn jireen, odayaashii gobolnimoraadiska Gabiley horseedka u ahaa ee sanadihii 1970 naadkii.
Odayaashaasi waxay fahamsanaayeen, in sida keliya ee gobolnimo buuxda lagu heli karaa tahay; midaynta dadweynaha gobolka ku nool. Iyada oo aan loo eegeen: ab iyo isir toona iyo halka uu qofku ka soo jeedo ee loo eegi jirey, dhalasho iyo dhaqanba reer Gabiley ma yahay!
Halgankii gobolnimada loo soo galay ee aynnu sida taariikhi ah uga soo sheekaynay, wuxu ku socon jirey nidaam midnimo oo degaameysan. Mana jirin waayadaa hore, qaybsanaanta maanta muuqata ee ku salaysan:
  1. Isirnimada qabiileysan ee dalka ka socota
  2. Kala jirashada iyo kala jiidadka dadweynaha ee xisbiyeysan
  3. Mijo iyo madaxnimo la’aanta maanta gobolka ka taagan
  4. Iyo dhammaanba midnimo la’aanta gobolka iyo dalkaba ka muuqataa.

Haddaba waxa laga maarmaan ah:

  1.  in la  soo celiyo midnimadii iyo walaalnimadii dadka reer Gabiley oo cududda iyo caqligaba la mideeyo
  2. In oday iyo inan la kala yeesho oo mid waliba ha uu ku habboon yahay loo daayo
  3. In la mideeyo cududda iyo caqliga siyaasiyiinta, cuqaasha ama madaxdhaqmeedka iyo culimada oo hal cod la yeesho – gaar ahaanna marka laga hadlayo gobolnimada iyo danaha kalaba.
  4. In aan collaysi iyo cadaawad aan midna la tusin xisbiyada qaranka iyo madaxda toona – laakiin lagula xisaabtamo waxqabadkooda – iyadood lala doodayo oo aanu dagaal jirin!

Haddaba aniga oo ka duuliya arrimahaasi aan soo tilmaamay, waxan dadweynaha reer Gabiley kula talin lahaa:

  • In aynnu kur (madax) iyo kurxin (istiraatijiyad cad) oo gobolnimda ku saabsan yeelano, madaxda ay khusaysana la hordhigo lagulana xisaabtamo
  • In karaamada dadweynaha gobolka la ilaaliyo oo aynnu joojinno, kab dambe oo kor loo taago iyo karin eey lagu xidhaba!!
  • Hadhoowtaan wax-ku-siin iyo hadal, in aan cidna loogu godlan ee aynnu hadaaq ka dhiganno, “ Wixii aad ii qabanayso, ii qaddin” oo ay gobolnimada buuxdaa kow ka tahay.
  • Waxa kale oo aan ku talin lahaa, in aan dib dambaysa gobolka loogu soo dhaweynin; badhasaab dambe oo dhiman!! Ka ima joogana muddo loo qabto uu isku soo buuxiyo!
  • Intii aynnu gobol dhiman ahaan lahayn, aynnu degmo buuxda ahaanno! Sidii waagii hore loo odhan jirey, “lixda gobol iyo Gabiley”; haatanna ha la yidhaahdo, ” Laba iyo tobanka gobol iyo Gabiley”!

Nin Soomaaliyeed baa la sheegay, ” Cir aanan lahayn bay cadceediishii i dishay!

Waxan taasi uga jeedaa, Gabilayey gobolnimo aan jirin, ayaan gondaal lagaaga dhigin ee gaagax!!
Waxan dadweynaha sharafta ee reer Gabiley kula dardaarmayaa, in dadnimada iyo diintaba la dhawro.
Wa bilaahi At-towfiiq
Cabdillaahi Maxamed Cumar