War degdeg ah: Haweenaydii dishay ee godka ku aastay Ruqiya Siciid Ayaanle iyo wiil ay dhashay oo maanta la qisaasay

 

War degdeg ah oo hadda na soo gaadhaya ayaa tibaaxaya in subaxan maanta la fuliyey dilka haweenaydii ku dhagarowday Ruquiya Siciid Ayaanle (eeg sawirka sare) kadibna inta ay godka ku aastay ku ridday.

Dilka Ruqiya Siciid Ayaanle ayaa 2014-kii ka argagixiyey Somaliland kadib markii haweenaydan maanta dilka lagu filayey iyo wiilka ay dhashay ee isagana maanta la raaciyey inta ay haweenaydan ku dhagaroobeen kadibna inta ay god uga qodeen gurigooda dhexdiisa ku aaseen halkaas oo ciidamada amniga ee Somaliland ka soo faqeen maydkeeda.

Qoyska reer Siciid Ayaanle ayaa marar badan qabtay shirar jaraa’id oo ay xukuumadda ugu baaqayaan in ay fuliso dilka kuwii inantooda seejiyey nafteeda.

Wararku waxay tibaaxayaan in nin Buuhoodle qof ku dilay isaguna uu ka mid yahay dadka maanta la qisaasay.

Wararka aanu helayno oo hubsiimo dheeraad ah u baahan waxay saddexda qof ee la qisaasay ku sheegeen Muna Maxamed Cabdillaahi, Maxamed Axmed Cali iyo Maxamed Cabdillaahi Xasan.

Wixii warkan ka soo kordha Bandhige kala soco.

Bandhige@gmail.com