Burco waa hooyadii halgameyaasha, waanay og tahay Mujaahid Muuse Biixi (WQ: Mahad Cali-Salaan)

Guutooyinkii ciidankiyo, geeshashkii samatar

Faqashtii waxay geysatiy,gabiyow kooxdiisi

Gumaadk iyo xasuuqay faleen,Gaani iyo Moorgan

Gasiiriyo barbaartii la dhigay,xalane geestiisa

Guurtidii Burcee lagu dhugtamey,gobabka baashooda

Gardarrada dalluuntiyo raggii,loogu guray ceelka

Eaa Gebiley lagu xaaqay may,galabsan eedaase

Garoonkiyo madaarkii Berbera,gooddiyada xeebta

Gowraca intii lagu marshaan,laga gedoonayne.

Halganka taariikhda Burco waa mid aan halkan lagu soo koobi karin, Gumaysigii ingiriiska ee ina qabsadey 1884-kii, Burco waxay ahayd horyaalkii ka dhiidhiyey gumaysigaa oo ay gadhwadeen ka ahaayee rag ay ka mid yihiin Skeekh Bashiir, Farax Omar iyo rag badan. Neero Ilaahay ha u naxariistii waa ragii loogu hor toogtey.

Halgankii dib-xoreynta Faqashta waxay Burco ka mid ahayd magaalooyinka carruurtoodii u diray halganka, waxaad la wada socotaan in Burco degaalkii ugu horeeyey ee guddaha lagu soo galo iyadu kow ka ahayd 27-kii May 1988-kii.

Xaqiiqda iyo taariikhda ayey reer Burco ogyihiin in Musharax Muuse Biixi Cabdi uu yahay raggii maalintii ay u xumeyd ee 1981-kii ilaa 1991-kii Somaliland naftooda u hurey, halgankii qadhaadha ee Siyaad Bare iyo qowleysatadii Xamar.

Burco waxay ogyahay in uu Mujaahid Muse Biixi uu yahay Geesi u soo geed fadhiistay in uu gobanimo guursado bisha Maarj 2016 doorashada soo socota, reer Burcona in ay codkooda siiyaan Muuse way ka go’an tahay.

Burco waxay ogtahay in uu Muuse Biixi yahay naftii hure dadkiisa iyo dalkiisa u soo halgamey Ilaahayna aanu tiisa ka dhigin sidii mujaahidiintii shahiidey, ee uu yahay inta yar ee fara ku tiriska ee nool maanta, kolka hadduu Ilaahay siiyey in uu isa soo sharaxo madaxweyne, Burco way ogtahay cid kaga habooni in aanay jirin.

Mujaahid Muse Biixi waa ragii baabiiyey cidankii ugu xooga weyna Afrikadda madow, qori AK ah ayuu kaga hortegey ciidankii 26 quwadood ee Afrika ugu weynaa ee Soomaaliya.

Mar haddaan hengelo dhigay-Dhimashana ka wada simay

Dhabar iyo ragna is baray-Allaylehe kar baa dhacay’

Allaylehe dheg-xumadii-Dugatana ba daacdee

Bogaa rag uga dhiidhiyey-Bagaa la isu jilib dgigay

Wixii la is-dhacsiiyiyo-Bagay dhicisay beentii.

Hubka dhuunta ka onkoda – Iyo dhagarta miinada

Bogaa dhabar-adayga- Sabraay jiibka laba-dhaca

Dhenged iyo amley iyo – Dhagax loogu babac dhigay!

Baga baga Jikraba dhacay – Baga baga dhoomahaan ridey.

Baga baga dhuunta la is mudey – Bagaa nabadda dhaawacan

Cirka loogu xero dhigay – Ninkii dhaartay ee yidhi;

Haddan dhigo xilkaan sido – Yaa u dhiibanaysaan

Ninkii dhaarta mari jirey – Ma ka dhabaqday xaajadu?

Sabraay jiibka laba-dhaca

Ummadda way ogtahay qof walba wuxuu galo, kolka Muuse maanta ugu mudan in loo doorto Madaxweyne waayo labada kale ee la tartamaya naftooda umey hurin, se Muuse Biixi naftiisa ayuu u hurey Somaliland.

Waxan ku soo gabagabeynaya reer Burco waxay yidhaahdeen xoriyo nin gaya ha guursato!!!.

Kaasina waa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Somaliland ha noolaato………Horena ha u socoto…..Amiin….Amiin.

Mahad Cali-Salaan

mahadpobox@gmail.com