Eeraan oo laga qaaday Cunaqabatayntii saarnayd

Eeraan oo ay saaray cunaqabayn caalamiyi, oo haatana ugu biirtay in ay xiidhiidhka diblomaasiyadeed u jaraan waddamo ku jira jaamacadda Carabta uu gadhwadeen ka yahay Sucuudigu ayaa waxay hay’adda Qaramada Midoobay ee quwadda atoomikada ka qaaday cunaqabatayntii caalamiga ahayd ka dib markii ay ogolaatay heshiiska loogu talo in lagaga hortago kobcinta hubka nukliyeerka Eeraan.

Hay’adda Caalamiga ah ee Quwadda Nukliyeerka ee loo soo gaabiyo IAEA, ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Eeraan ay soo dhameystirtay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee ay ku bilaabi laheyd dhaqangelinta heshiiska nukliyeerka.

Agaasimaha guud ee hay’adaasi Yukiya Amano oo warbaahinta la hadal ayaa waxa uu yidhi:

“Maanta ay tahay maalin muhiim u ah bulshada caalamka”.

Waxa kale oo hadalkiisa sii raacay in baadayaasha hay’adda ee ku sugan gudaha Eeraan ayaa xaqiijiyay in Eeraan ay qaadday tallaabooyinkii laga doonayay.

Sidoo kale Madaxa siyaasadda Arrimaha Dibedda Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa sheegtay in heshiiska uu ka qeyb qaadan doono horumarinta ammaanka, nabadda gobolka iyo caalamka.

Heshiiska Taariikhiga ah ayey Eeraan iyo quwadaha caalamku wada galeen bishii Julaay ee sannadkii hore ee tagay. Dawladda Sucuudiga ayaa waxay sid fiinta uga qayliday heshiishka aya wada gaadheen Eeraan iyo quwadaha caalamku.

Cunaqabateenada laga qaaday Eeraanna waxa ay u sahlaysaa in ay hesho hanti gaadhaysa balaayiin doolar iyo weliba in saliidda Eeraan si caalami ah loo iibsan doono, tani waa mid uu Sucuudigu in badan ka qayliyey oo aanu ogolayn in Eeraan soo gasho suuqyada caalamiga ee saliida.

bandhige@gmail.com