Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ka qayb galay caleemo saarka Suldaanka guud ee beesha Guuyoobe/Ciidagale

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa maanta deegaanka Qotan-dabo ee koonfur bari magaalada Hargeysa kaga qeyb-galay caleemo saarka suldaanka guud ee beesha Maxamed Daa’uud (Guuyoobe)/Ciida-gale.

Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Cabdillaahi (Galaal) ayaa loo caleemo saaray Suldaanka beesha Maxamed Daa’uud kadib markii sannadkii hore Alle ha u naxariistee uu aabihii Suldaan Galaal ku geeriyooday Xajka.

Xaflada caleemo saarka Suldaanka ayaa waxa ka soo qayb galay boqolaal ka mid ah shacabka deegaankaas iyo beesha Guuyoobe oo iskugu jira madaxdhaqameed, cuqaal, wax-garad, aqoonyahan, haldoor, siyaasiyiin, xildhibbaano, haween, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Caleemo saarka Suldaanka ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo ka hadlay taariikhdii Suldaan Galaal.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyey in ka qeyb-galka caleemo saarka Suldaan Sakariye uu ahaa waajib saran, isaga oo tibaaxay in ay aad iskugu dheeraayeen, saaxiibo qaaliyana u ahaayeen Alle ha u naxariistee Aabahii uu ka dhaxlay saldanadda Suldaan Galaal, waxa kale oo uu muujiyey dareenka uu u qabbo caleemo saarka suldaanka cusub ee beesha Maxamed Daa’uud oo uu tilmaamay in garab iyo gaashaan ba u ahaan doono.

bandhige@gmail.com