Machadka Saylac ee ku yaala magaalada Boorama oo arday cusub ka qalin jabisay

 

Macahadka Saylac ee barashada luuqada Carabiga iyo shareecada Islaamka oo ku yaala magaalada Boorama ayaa maanta waxaa ka qalin jabiyey ardaydii ugu badnayd ee isugu jira lab iyo dhedig, xaflada si heer sare ah loo soo agaasimay oo arintaas lagu xusaayey ayaa maanta agu qabtay Hutel Rays ee magaalada Boorama waxaan ka soo qayb galay wasiirka awqaafta Jamhuuriyada S/land Sheekh Khaliil Axmed, wasiir ku xigeenka Caafimaadka Xasan Daahir Dhinbiil madax kala duwan oo ka soctay gobolka iyo degma cumilo fara badan, maamulka macahdkaas iyo dadweyne fara badan.

waxaana xafladaas ugu horayn ka hadlay maamulaha guud ee machadka Saylac Sh. Xasan Khayr Dirir oo sheegay in ardayda maanta ka qalin jabsiay ay yihiin dufcadii 7aad ee ka baxda machadkaas kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 82 arday oo 41 ka mid ah rag yihiin halka 41 kalena yihiin dumar.

dhamaan madaxdii iy culimadii ka hadshay ayaa sheegay faa’iidada ku jirta barshada culuumta Islaamka iyo luuqada carabiga ku jirta taasi oo qofka raba in uu si fiican u fahmo diinta rabaa ay tahay in uu si wacan u barto luuqada carabiga.

waxaa xusud mudan mudadi uu jiray machadka Saylac in ay waxa ka barteen arday tiro badan oo isgu jira wiilal iyo gabdho.

ms msss mss