Haweenka Sucuudigu waxay markii koowaad ka qayb-galayaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka

Ugu dambayn haweenka Sucuudiga waxa loo ogolaaday in ay isku diwaangelin karaan musharixiinta doorashooyinkaga goleyaasha deegaanka, kuwaas oo la filayo in ay dhacaan dabayaaqada sannadkan.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadamaha oo ay ugu horrayso Amnesty International ayaa go’aankan ku tilmaamtay mid aad u soo raagay isla markaana dhibic uun ka ah xuquuqaha ka maqan haweenka Sucuudiga.

Hase ahaatee haweenka Sucuudiga badankooda ayaa sheegay in go’aankan uu boqorkii dhawaanta geeriyooday saxeexay uu yahay mid muhiim ah bilawna u ah soo-dhacsiga xuquuqaha siyaasadeed ee ka maqnaa haweenka Sucuudiga.

Ilaa iyo hadda 200 boqol oo haween ah ayaa damacooga caddeeyey sheegayna in ay u taagan yihiin doorashooyinka golaha deegaanka.

Dunida galbeedka ayaa muddo dheer Sucuudi Carabiya ku canaanayey in ay haweenka ula dhaqmaan sidii aanay dad ahayn oo kale. Cadaadiska arrintan la xidhiidha oo gudo iyo dibadba ka kordhay beryihii u dambeeyey ayaa keenay debacsanaan ku timid go’aankii xukuumadda Sucuudiga ee la xidhiidha doorka ay haweenku ku yeelan karaan siyaasadda.

Bandhige@gmail.com