Hay’ada Y-PEER waxay kulan wacyi-gelin ah oo ku saabsan badbaada wadooyinka ku qabatay magaalada Gebilay

Kulan  ku saabsan badbaadada iyo badqabka wadooyinka ayaa waxaa malinnimadii shalay lagu qabtay magaalada Gebilay. Kulan masrixiyeedkaasi ayaa waxaa ay ujeedadiisu ahayd sidii dadwaynaha loogu wacyigalin lahaa inay ka taxadiraan khataraha sababa shilalka. iyada oo sidoo kale lagu baraarujinayay inay ilaaliyaan wadada isku xidha Hargaysa ilaa kala-baydh oo dayactir balaadhan lagu sameeyay isla markaasna lagu xidhay calaamado tilmaamaya goobaha khatarta ah.

Ugu horayn waxaa kulan ka hadlay Siciid Nuur oo ahaa sarkaal ka socday Hay’ada horumarinta wadooyinka Somaliland waxuuna ku booriyay dadwaynaha ku nool magaalada Gebilay inay ka taxadaraan khatar kasta oo ka iman karta shilalka wadooyinka, waxaanu sidoo kale ugu baaqay dirawalada gaadiidka inay hubiyaan badqabka gadhigooda kahor inta aanay kaxayn.

Ugu damayntii waxa kulankan ka hadlay oo soo xidhay agaasimaha guud hay’ada maxaliga ah ee Y-PEER Maxamed Mahad ayaa waxa uu bulshada ugu baaqay inay ka digtoonaadaan khataraha sababa shilalka.

“Waa inaynu had iyo jeer ka taxadirno dhibaatada ama waxyeelada kasoo gaadha shilalka wadooyinka we ay baabuurtu sababi karaan.” Ayuu yidhi agaasime Maxamed dhamac

Kulankan oo ay iskugu soo baxeen dadweynaha magaalada Gebilay ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa heeso, riwaayado iyo ciyaaro dhaqmeed ka turjamaaya sidii looga digtoonaan lahaa isla markaasina bulshada deegaankaasi ugu baraarugsanaan lahayd khataraha ay sababaan shilalku.

Kulan Masraxiyeedkan wacyigalineed ayaa qeyb ka aha wacyigalin ay magaalooyinka Kalabaydh, gabiley iyo Arabsiyo iyo hargaysa oo ay ka wado Hay’ada Y-PEER oo kaashanaysa Hay’ada GIZ oo iyadu fulisay dayactirka wadada isku xidha Hargeysa ilaa kalabaydh iyo Hay’ada Wadooyinka Somaliland oo ay waheliso Wasaarada gaadiidka iyo horunmarinta wadooyinka ee Somaliland

Halkan ka daawo muuqaalka warkan:

 

 

Bandhige@gmail.com