Isbahaysiga musharaxiinta Kulmiye waxay Siilaanyo ku eedeeyey kala jabka xisbiga, carabka ku dhufteen wax-isdaba marinta ka dhacday shirkii golaha dhexe

Kooxda isbahaysiga xisbiga Kulmiye ee talada dalka haya ee aan ka qayb galin shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye ee lagu doortay shir-guddoonka Golaha Dhexe iyo musharaxiinta xisbiga Kulmiye ugu qayb-galaya doorashada soo socda ee sannadka 2017-ka.

Garabkan isbahaysiga musharaxiinta oo qaadacay shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye, horena iskaga casilay xilal ay dawladda ka hayeen ayaa waxay soo saareen qodobo ka mid ah xeer-hoosaadka kulmiye oo la jabiyey, war-saxaafadeedkan ayaa waxa u akhriyey saxaafadda Wasaarkii hore ee cadaaladda Xuseen  Axmed Caydiid, isagoo ka hadlaya xeerka la jabiyeyna waxa uu yidhi:

“Xeer-hoosaadka Kulmiye waxa uu dhigayaa in musharaxiinta tartamaya ay ku kala baxayaan cod gacan taag, taasina waxa la badalay markii Saylici uu xaglo ka guulaystay ayaa waxa lagu dhigay mid karaatoon lagu guro, kartoonkaa lala soo baxay halkuu xeerka kaga yaalaa.”

Sidoo waxa uu Xuseen ka dhawaajiyey in ay jireen musuqmaasuq ka dhacay doorashadii Kulmiye ee ku kala baxeen Saylici iyo Xaglo-toosiye, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Karaatoontaa waxa la xaqiijinayaa in ay ku jireen kaadhadh, kuwaas oo ah dadkii aan shirka iman kaadhadhkoodii oo gundhig looga sii dhigay kuwii kale ee laga ururinayey intii joogtay. Waayo tiradadii ugu horeysay lagu xaadiriyey intii gacanta taagtay iyo intii kaadhadhka laga soo ururiyey waa lawada arkaayey farqiqa u dhexeeyey.”

Isbahaysiga musharaxiinta ayaa waxay carrabka ku dhufteen dhexdhexaadnimada Madaxweyne Siilaanyo in ay dhinaca badnaa uu taageersanaa dhinaca Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Isbahaysiga musharaxiinta ayaa waxay ku tilmaameen shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye mid boob ah oo xaaraan ah.

Waxay gabagabadii shirkan jaraa’id ay kusoo gabagabeeyeen in ay sii wadayaan hawgaladooda ay kaga soo horjeedeen garabka loo doortay musharaxnimada xisbiga Kulmiye.

Balse u eeg tahay in aanay wali Isbahaysiga musharaxiintaka rajo dhigin musharaxnimada xisbiga Kulmiye iyadoo la doortay musharaxiintii u matalaysay doorashada Madaxweynenimo iyo ku-xigeenka ee sannadka 2017-ka.

Balse wali isbahaysiga ayaa wali ku dhawaaqin in ay ka baxayaan xisbiga Kulmiye, balse iyagoo Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in uu garab yahay haddana marar badan cabasho badan u muujiyey.

 

bandhige@gmail.com