Itoobiya Ayaa Heshiis Amaah ah oo Dhan $100 Milyan La Saxiixatay Dawladda Imaaraadka

Itoobiya oo heshiis amaah ah oo dhan 100 milyan oo doollar la saxiixatay sanduuqa khalifa ee horumarinta shirkadaha (UAE).

Jamhuuriyadda dimuqraadiga Itoobiya iyo ururka Sandifa ee horumarinta ganacsiga imaaraadka carabta ayaa kala saxeexday heshiis amaah ah oo dhan 100 milyan oo doollar oo u dhiganta 3.21 bilyan birr.

Ujeeddada heshiisku ayaa ay dawlada itoobiya ku sheegtay in lagu taageeri doono horumarinta shirkadaha yar-yar, iyo kuwa dhex-dhexaadka ah iyada oo la kaalmaynayo meheraddaha iyo shaqo abuurka, hal-abuurka, dhisidda awoodda si loo xoojiyo dhalinyarada iyo haweenka lana wanaajiyo noloshooda.

Waxaa heshiisk saxiixay wasiirka maaliyada itoobiya ahmed shide, wasiirka iyo hussain jasim al nowais, oo ah gudoomiyaha gudiga agaasimeyaasha ururka khalifa fund for development development (uae),

Xigasho: wasaaradda maaliyada ee itoobiya