Wafdi balaadhan oo u hogaaminaayey xoghayaha guud ee ururka jaamacadaha Carabta Dr. Suldaan Curaabi ayaa saaka subaxdii hore yimiday magaalada Boorama, iyada oo ay madaxda jaamacada oo uu horkacayo gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof: Sulaymaan Axmed Guuleed si weyn u soo dhaweeyeen, waxaanay soo kormeereen isaga iyo wafdigiisu qaybaha kala duwaan ee ay ka kooban tahay jaamacadu.
Meelaha ay booqdeen waxaa ka mid ah xarunta dhexe ee jaamacada, Maktabada, qaybaha kala duwan ee caafimaadka Cusbitaalka Al-Xayaat,xarumaha maamulka jaamacada Laabortariyada qaybo ka mid ah iyo xarunta maamulka jaamacada.
Waxaanay wafdigii ugu danbayn soo saareen qoraal go’aan ah ka dib markii ay shir gaar ah yeesheen waxaany si buuxda u aqoonsadeen in jaamacada Camuud laga bilaabo maanta xubin buuxda oo firfircoon ka tahay ururkaas ay ku bahoobeen jaamacadaha Carabta oo fadhigoodu yahay xarunta dalka Urdunee Camaan.
Prof: sulaymaan Axmed Guuleed oo arinkaas uga waramaayey warsidaha bandhige ayaa yidhi: wafdi xaqiiqo raadis ah ayey noo soo direen bishii Maaris ee sanadkan 2016 waxaany kani ahaa kii ugu danbeeyey ee lagu aqoonsanaayey jaamacada ka dib markii ay buuxisay shuruudihii laga rabay oo dhan ayaa sidaas na lagu aqoonsaday ayuu yidhi”.
Waxaa xiusid mudan in ay ururkan ku bahoobeen in ka badan 300 oo jaamacadood inta la og yahay jaamcado Soomaaliyeed oo ay aqoonsadeen waa sadex kaliya ilaa hada kuwaas oo kala ah Jaamacada Muqdisho oo ay mar hore aqoonsadeen, Baadir shalay ay aqoonsadeen iyo Camuud oo ay maanta aqoonsadeen, waxen warku intaas ku darayaa in wafdigu Bari u anbabaxaayo magaalada Burco ee caasimada Togdheer.
Xasan Ciise- Boorama