Waxa maanta shir ugu furmay beelaha Garxajis magaalada Hargeysa, shirkan ayaa waxa loogu magac daray Tol-Wanaaje, shirkan ayaan waxa ka soo qayb galay in ka badan 250 ergo oo ka kala yimid gobollada dalka .
Furitaankii shirka ayaa waxa ugu horey ka hadlay Suldaan Cismaan Suldaan Cali, waxaanu hadalkiisii ku bilaabay:
“Aadbaan u salaamayaa dhammaan Odayaasha Cuqaasha Salaadiinta iyo Dhalinyarada Beelaha Gar Xajis shirkuna wuu inoo furan yahay, wixii damben gadaal ayaa ka odhan doonaa haddii Alle idmo.โ
Sidoo kale waxa shirkan ka hadlay Jiif Caaqil rashiid Jaambiir waxaanu yidhi:
“Shirkan beelaha gar,xajis muddo haatan laga joogo sanad iyo lix bilood ayuu nagu dhashy bacdina maalin walba mar xalad ayuu soo maraayay maalin kowbuu ahaa maalin labuu ahaa maalinna boqolaal ayuu noqdayoo fikirku wuu iska soodabo dhacaayay oo dad kuna waxa ay aqbalayeen in ay munaasib tahay in ay beeshu isku timaaddooo ay shir iskugu timaado si ay aayeheeda iyo danaheedaba uga tashato shirkii kowaad waxa uu dhacay dabayaaqadii sanadkii aan soo dhafnay ka bacdi qaban qaabadisi iyo barnaamuj kiisi ayaa lasii hir galiyay ka bacdi waxa uu shirkii labaad oo ahaa shir shiirkii hore ka mudo korsan waxa uu dhacay sideedi bishii aaan soo dhafnay ee july magaaladda hargaysa ayuu ka dhacay waxaana shirkaasi waxa iskugu yimid culimo ay diin aqoonyahan oo ay hogaan dhaqanku ay hoggaaminayaan iyo mujdamaca kalo gadisan shirkaasi wada hadal iyo dood dheer waxa lago.aamiyay in la magacaabo toban xubnood oo kasoo jeeda dhaqanka oo shirka guud ee belaha garxajis qaban qaabiya malintaa ka bacdi waxaka soo wareegtay muddo bil iyo loow iyo toban maal mood ah gudigaa qaban qaabadu maraaxin kalo duwayn ayay soo mareen qaban qaabada waxa u dheraa caqabado badan oo ay kalo kauleen iyo jaran jarooin badan oo ay lakulmeen iyo hor istaan lagu sameeyay qab soomida shir kaasi”
Waxa isna halkaasi ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ku dheeraaday ahmiyada walaaleynta beelaha wada dhashay waxay diintu ka tidhi:
“Marka Ugu Horaysa Dhamman Tiin Waxaan Idinkula Dardaarmayaa Alle Ka Cabsi waxaana farxad wayn Ii ah Inaan maanta dad badan Oo ay halkan iskugu yimaadeen oo uu shaydaanku kalo kaxeeyay Oo Uu Ku Kala Dhex Jiray,Ilaahaybaa Subxaanahuu Watacaalaa Yidhi Shaydaanku Waxa Uu Faraa Dadka Xumaan,Ilaahaybaa Quraankiisa Inoogu Sheegay Inuu Yahay Cadow,Maantana Waxa Halkan Iskugu Imid Dad Diin Ku Walaalo Ah Dhiigna Ku Walaalo Ah Oo Shaydaan Kala Kexeeyey Oo Taariikhdana Aan La Garanayn Wakhti Ay Isku Yimaadeen Oo Maanta Isku Yimid Markaa Waa Farxad Aad Iyo Aad U Weyn,Ilaahay Ayaa Waxa Uu Yidhi Haddii Dad Walaalo Ahi Islaayaan Heshiisiiya Heshiiska Waxa Ku Jira Khayr.”
Boqor Raabi ayaa isna hadalka lagusoo wareejiyay waxaannu xusay sida uu ugu faraxsan yahay shirka iyo imaatinka ergada, waxaanu yidhi:
“Aad Iyo aad ayaan maanta u faraxsan ahay, waxaan ku faraxsan ahay ergadan faraha badan ee ka soo qayb gashay shirweynihii guud ee Garxajis ee markii ugu horeysay, shirkiina wuu inoo furan yahay, waanan ku faraxsan ahay, waxaana maanta buray hadalo igu soo dhici jiray oo ahaa Garxajis ma shiri karo.โ
Boqor Faysal ayaa isna halkaasi ka jeediyay hadal dheer, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:
ย “Farxad ayey ii tahay in labeeentii Garxajis oo u ban baxday in ay waayaheeda mustaqbalkeeda iyo danaheeda ka tashato. Shirkani waa shir dhaqan, waa shir beelweynta Garxajis oo aan anigu aaminsan ahay in ay Qaran Yihiin oo aan filayo ay aayahooda kaga tashanayaan, abtirsigiisuna wuu jiro doonaa.โ
Suldaan maxamed cabdilaahi xaaji aadan Qabiile, Suldaanku waxa uu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay iskaashiga iyo in wax la wada qabsado, ugu dambayntii wuxuu ku soo gunaadaday hadalkiisa:
“Dadka wixii wax garanaya ayuun baad wax isku tihiin, inaguna wixii wax garanaya ayuun baynu wax isku nahay.โ
Shirkan ayaa waxa uu socon doonaa maalinta beri oo ay ka soo bixi doonaan qodobada kaga tashadeen aayaheedo, sidoo kale waxa uu shirkan ku soo beegmayaa wakhtiga uu Somaliland ku sugan yahay Ismaaciil Buubaa haatan ka soo tanaasulay siyaasadii Soomaali weyn ee uu aaminsanaa.