Kadib markii ay guulo isdaba joog ah ay kooxda Juventus ka gaadhay 15-kii kulan ee u dambeeyey waxay xalay hoggaankii ka faro maroojisay kooxda Napoli oo muddo ku raaxeysanaysay hoggaaminta horyaalka talyaaniga, Juventus waxay horraantii horyaalka ku bilaabatay guul darrooyin iyo jallaafooyin badan, waxay se xalay 1:0 ku kaga badisay kooxda Napoli oo marti u ahayd, dibu habayn lagu sameeyey weeraryahannada iyo boosaska khadadka dhexe, kadib markii ay soo iibsatey ciyaartoy wax tarleh, ugu dambeyntii waxay xalay gurigeeda ku dubatay kooxda Napoli oo muddo haatan laga joogo 25 sanno aan hoggaan qaban, balse sida la filaayay loo saadaalinaayey in ay ku guuleysato horyaalka.
Macallinka kooxda Juventus ee Max Allegri’s ayaa waxa uu u hambalyeey ciyaaryahanada kooxdiisa, waxaanu yidhi:
“Guushu hawl yari kuma timaado waanad ku mahadsantihiin guusha aad ka gaadheen kooxda Napoli.”
Waxaa kale oo uu sheegay in ay muddo ku qaadatay sidii ay halkan u soo gaadhi lahaayeen, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“ Sidaad lawada socoteen bilowgii xilli ciyaareedkan waxa booskayagu ahaa kaalinta 15aad, dadaal dheer kadib waxaanu nimid kaalinta 1aad.”
Tabobaraha cusub ee dhawaan la wareegay Kooxda Napoli ayaa isagu waxa uu dhankiisa hambalyo u direy macallinka iyo ciyaartoyda kooxda Juventus, isagoo kooxdiisa ku ammaaney dadaalka ay muujiyeen waqti ciyaareedka, waxaanu yidhi:
“Kubbadu waa bar cad iyo bar madow, guushana umaynaan dhalan ee ha niyad jabina waynu guuleysan ee ha loo diyaargaroobo sidii loosoo ceshan lahaa booska 1aad.”