Sannadkii tegay ee 2015-kii waxa ku dhintay weerar argagaxiso waddanka Afqaanistaan ugu yaraan 3500 oo rayid, sidoo kalena waxa ku dhaawacmay tiro gaadhaysa ilaa 7500 oo qof sidaas waxa lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.
Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Zeyd Racad Al Xuseyn, ayaa sheegay in shacabka Afqaanistaan ay waxyeelo kasoo gaardhey “weerarro arxan darro ah oo aan mabda’ lahayn”.
Tiradan ayaa waxay boqolkiiba afar ka saraysaa tiradii sannadkii hore ee 2014-kii, Zeyd yaa soo jeediyey in kuwa ka masuulka weeradaas la hor keeno caddaalada.
Tirooyinka ay soo bandhigtay Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in boqolkiiba 62 ay dadkaasi waxyeelada ka soo gaadhay xooggaga ku kacsan dawladda, boqolkiiba 17 ay sababeen ciidammada dawladdu, halka boqolkiiba 17 kalana ay ku waxyeeloobeen rasaas la isweydaasanayay.
Weerarada argagaxisada ayaa waxay saameeyaan dadweyne aad tiro u tiro badan iyadoo lagu bartilmaameedsanayo dawladda iyo ajaanibka kale eek u sugan Afqaanistaan.