Khilaafkii u dhexeeyey shirkadda Maandeeq iyo hiliblayaasha oo heshiis laga gaadhay

Hiliblayaasha Hargeysa oo shaqadajoojiyey muddo laba maalmood ah ka dib markii iskaashatada hiliblayaasha ee Nafaqo ka cawdeen lacago dheeraad ah oo ay ku soo rogtay shirkadda Maandeeq ee maamushsa kawaanka xoolaha lagu qalo.

Inkastoo boolisku xidheen masuuliyiin badan oo ka tirsan Iskaashatada Hiliblayaasha ee Nafaqo, haddana waxay dawladdu bilowday dhex-dhexaadin ka dib markii Hargeysa ay soo food saartay hilib la’aan.

Guddiga uu madax u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cade, oo ay wahelinayaan labbada wasiir-xigeen ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Taliyaha ciidanka Booliska iyo masuuliyiin ka socotay Dawlada Hoose ee Hargeysa, ayaa shalay galinkii danbe waxa uu kulan dhexmaray xubno ka socday shirkada Maandeeq iyo ururka nafaqo.

Kulankaasi oo ay ujeedadiisu ahayd sidii loo soo af-jari lahaa, ka dib markii ay hiliblayaashu ka cawdeen lacago ay sheegeen in lagu kordhiyey, isla markaana ay sameeyeen shaqo joojin muddo labba cisho ah socotay.

Kulankan saddex geesood ah oo ay foodda isku dareen Dawlada Hoose iyo labbada dhinac ee kale ee is hayay lagu dhageystay cabashooyinkooda, halkaasi oo ay ganacsatada hiliblayaashu ku doodeen in shirkada Maandeeq bishii ay ka hesho sideetan kun oo dollar $80,000 lacagaha laga qaado hiliblaha, taasi oo ay sheegeen in ay ka badan tahay macaashka ay iyagu ka helaan shaqadooda.

Halka ay shirkada Maandeeq ee hilibkuna ay ku dooday in lacagta ay ka qaado xoolaha ay bixin wayday, shaqada loo qabto dadka hilibka ka ganacsada, sidaas darteedna ay shirkadu sii waddi karin nadaafada kawaanka iyo shaqaalaha ka sheeqeeya daryeelkooda.

Ka dib markii doodii ay dhageysteen Guddidii uu hoggaaminaayey wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduhu, waxaa uu wasiirku go’aamiyey in laga dhimo qiimaha ay isku hayeen ganacsatada hilibku min 2,000 SLSH lo’da , geela iyo adhigaba, sidaana ay shaqada ku bilaabaan.

Waxaanu intaasi ku daray wasiirku oo uu sheegay in Guddi saddex geesood ah loo saari doono, xaqiiqda dhabta ah ee ka dambeysa cabashooyinka labbada dhinac, gudidaasi oo ka kooban Shirkada Maandeeq Hiliblaha, iyo Dawlada

Saaka waxay dib u bilaabeen hiliblayaasha Hargeysi shaqadoodii hilibka, dadweynaha Hargeysa ayaa soo dhaweeyaan go’aankan laga gaadhay murankii u dhexeeyey hiliblayaasha iyo shirkada Maandeeq, iyadoo bulshada Hargeysani aad u hadal hayeen arrintani.

Marnak hiliblka

bandhige@gmail.com