Lammaanihii ugu da’da yaraa oo Hargeysa ku aqal galay

Xalay waxa Hargeysa ku aqal-galay lammaanihii ugu da’da yaraa inta la xasuusan yahay. Maxamed Axmed Cabdi oo 13 jir ah iyo Xamdda Cabdi Nuur oo ah 11 jir ayay dhawaan  Maxkamadda Degmada Hargeysa isku meherisay ka dib markii waalidkood isku diideen.

Lammaanahan aan qaan-gaadhka ahayn waxa arooskooda ka soo qayb-galay labadooda qoys, asxaabtooda iyo dadweyne uu soo jiitay xiisaha gaarka ah ee uu arooskoodu lahaa.

Guurka lammaanahani wuxu ahaa dhacdadii todobaadkii ugu dambeeyey ugu hadal-haynta badnaayeen dadweynaha Hargeya. Goobaha lagu qaxweeyo iyo baraha bulshadu ku kalanto ee internet-ka ayaa intaba arrinkooda lagu qaadaa-dhigayey.

Guurka iyo arooska lammaanahani waxay ku soo beegmeen iyadoo uu dhawaan Hargeysa ka dhacay mudaharaad lagaga soo horjeedo doobnimada oo ay koox dhallinyaro ahi kaga cabanayeen guurka qaaliyoobay iyo shaqo-la’aanta baahsan.

Hoos ka daawo muuqaalka ROYAL TV iyo weriye Xamse Zabri oo arrinta ka warbixinaya:

 

bandhige@gmail.com