Madaxda Kulmiye iyo Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka shiraya qabashada shirka golaha dhexe

????????????????????????????????????

Warar hadda na soo gaadhay ayaa tibaaxaya in uu shir xasaasi ahi ka socdo madaxtooyada kaas oo la rabo in lagu go’aamiyo maalinta uu qabsoomayo shirka golaha dhexe ee Kulmiye.

Sida aanu xogta ku helayno shirkani wuxu dhex marayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno madaxtooyada ka tirsan iyo dhinaca kale oo ah hoggaamiyeyaasha Kulmiye oo uu ugu horreeyo Muuse Biixi Cadbi, guddoomiyaha xisbiga.

Shirkan waxa diirrada lagu saarayaa in lagu heshiiyo maalinta uu dhacayo shirka golaha dhexe, waxana la filayaa in la calaamadeeyo maalin ka mid ah bisha Diisambar sida la isla dhex marayo.

Halkan kala soco wixii hadba ka soo kordha shirkaas.

Bandhige@gmail.com