Askar Yuhuud ah oo Daanta Galbeed ku toogtay haweenay Falastiiniyad ah

Askar ka tirsan ciidanka Israa’iil ayaa ku toogtay haweenay Falastiiniyad ah magaalada Hebron.

Af-hayeen u hadlay ciidamada Yuhuudda ayaa sheegay in toogashadu dhacday kadib markii ay haweenaydani weerar ku soo qaadday bar kantarool iyadoo ku hubaysan mindi kadibna ay isku dayday in ay geliso mid ka mid ah askarta Israa’iil taas oo keentay in la toogto kadibna ay dhaawac noqoto.

Wakaaladaha Wararka ayaa weli ku raadjooga in ay ogaadaan waxa ay hadda tahay xaaladda haweenaydani laakiin wararku waxa ay xaqiijinayaan in askariga la sheegay in ay ku socotay aanu wax dhaawac ah qabin.

Goor dhawayd oo maanta ah ayaa la sheegay in ciidamada Israa’iil ay sidoo ku dileen isla magaaladan Hebron, kaas oo ay sheegeen in ay ogaadeen in uu gacanta ku hayey farsamaynta walxaha qarxaha isla markaana uu maleegayey in uu dil u gaysto dad Yuhuud ah.

Hase ahaatee xukuumadda Israa’iil ayaa sheegtay in labadan qof la toogtay iyaga oo aan waxba galabsan, dilalkuna ay noqdeen caadada ciidamada Israa’iil.

Daanta Galbeed waxa ka taagan xasaasiyad aad u sarraysa iyo buuq iyadoo ay maanta tahay ciidda Yuhuudda habeenimada Arbacadana ay bilaabmayso dabaaldegyada ciidda Islaamka ee Al-Odxa kuwaas oo socon doona ilaa Axadda.

Bandhige@gmail.com