Aas qaran oo loo sameeyey Sheekh Rashiid oo uu dhalay Madaxweyne-xigeenka Imaraadka Carabtu

Sheekh Rashiid Bin Maxamed Bin Rashiid Al Maktoum oo ahaa wiil uu dhalay madaxweyne-xigeen, ahna Raysal Wasaaraha Imaaraadka Carab Sheekh Maxamed ayaa aas loo sameeyey ka markii uu wadne wadne xannuun u geeriyooday.

MadaxweynaheAxmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhambaal tacsi ah maanta u diray Madaxweynaha iyo shacabka dalka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale Safiirka Somaliland u qaabilsan u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Baashe Cawil ayaa sheegay in uu u gudbiyey xukuumadda Imaaraadka Carabta tacsi adaxweynaha Somaliland ugu diray geeridii Sheekh Rashiid bin Maxamed bin Makhtuum.

Cilaaqaadka Imaaraadka Carabta iyo Somaliland ayaa baryahan danbe isasa soo teraya ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo dhowr safar ku tegay iyo tan iyo markii u bilaabmay dagaal Sucuudigu hoggaaminayo ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yaman.

bandhige@hotmail.com