Ururka Dhaqaalaha Galbeedka Afrika ECOWAS oo ka shiraya qalalaasaha Burkiina Faaso

Shir lagaga hadlayo afgambigii dhowaan ka dhacay dalka Burkiina Faaso ayaa maanta ka furmi doona magaalada Abuja oo ay soo qaban qaabiyeen ururka Dhaqaalaha Galbeedka Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo ECOWAS .

Waddamada ku midoobay ururkan ayaa la filayaa in ay qorsheeyaan qorshaha lagu doonayo in lagu doorasho loo wada dhan yahay oo ka dhacda Burkiina Faaso bisha Noofambar ee sannadkan.

Janaraalka hor kacaya ciidamada afgambiga sameeyey ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu ku wareejiyo xukunka dawlada rayid ah.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay dibad-baxyo rabshado wata oo dadweyne gadoodsane ka sameeyeen caasimada Ouagadougou oo ay kaga soo horjeedeen afgambiga milatari ee ciidamaddu kula wareegeen talada dalka.

Halkan hoose ka akhriso wararkii hore ee Bandhige ka qoray afgambiga Burkiina Faaso:

Burkiina Faaso: Ciidamadii inqilaabka sameeyey oo aqbalay in ay xukunka dib u celiyaan

Madaxweynihii la inqilaabay ee Burkiina Faaso oo la sii daayay

Ciidamo inqilaab milateri kula wareegay talada dalka Burkiina Faaso

 

bandhige@gmail.com