Madaxweynaha Jamhuuriyadda Czech oo sheegay in aan loo baahnayn Suuriyaanku in ay qaxooti noqdaan laakiin loo baahan yahay in ay ISIS iska celiyaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Czech Milos Zeman ayaa maanta warbaahinta mariyey hadallo ay dhibsadeen dunida Muslimku isla markaana dadweyne badan oo adduunka ahi ku sheegeen kuwo aan u qalmin xilka uu hayo.

Madaxweyne Milos wuxu sheegay in aan loo baahnayn in dadka Suuriyaanka ahi ay dalkooda ka soo baxsadaan kadibna ay Yurub qaxooti ku noqdaan laakiin loo baahan yahay in ay wax iska celiyaan oo qoryaha qaataan lana dagaalamaan ISIS.

“Waa wax la aqbali karo in carruurta, haweenka iyo dadka gaboobay loo naxariisto. Laakiin maxay soo doonayaan kuwa dhallinyarada ahi. Waa in ay qoryaha qaataan oo dalkooda joogaan oo ay ISIS iska celiyaan” ayuu yidhi Milos.

Madaxweyne Milos Zeman wuxu sidoo kale sheegay in qulqulka qaxootiga muslimiinta ahi ay Yurub ku imanayaan ay tahay xeelad la doonayo in dadka Muslimiinta ahi ay kula wareegay qaybo qaaradda Yurub ka mid ah.

Maaha markii koowaad ee ay madaxweyne Milos Zeman uu wax ka sheego Islaamka. Bishii November wuxu ka qayb-galay mudaharaad lagu diidan yahay in ay qaxootiga Muslimiinta ahi joogaan dalkiisa kaas oo ka dhacay magaalo-madaxda Prague.