Nink ka mid ah raggii weeraray Paris oo lagu aasay xabaal aan calaamad lahayn

Samy Amimour oo ka mid ahaa saddex nin oo ka qayb-qaatay weerarkii Paris lagu ekeeyey bishii November ee sannadkan, gaar ahaan xaruntii muusigga lagu tumanayey ee 90-ka qof ku qudh-baxeen ayaa maanta si hoose loogu aasay xabaalo ku yaalla magaalada Seine-Saint-Denis halkaas oo ah goobtii uu ku dhashay waalidkiisuna ilaa hadda ay ku nool yihiin.

Sida wakaaladaha wararka ee caalamku weriyeen, aaska marxuum Samy waxa laga dhigay mid aad u sanqadh yar iyada oo ay ka qayb-qaateen waalidkiisa iyo dhawr qof oo kale isla markaana xabaashiisa laga dhigay mid aan calaamad lahayn si aan mustaqbalka cidina u garan karin.

Weerarkii ay Samy iyo saaxiibadii ku qaadeen Paris wuxu ahaa kii ugu xumaa ee dalka Faransiiska soo marka wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee dunida. Wadarta guud ee ku naf wayday waxay ahayd 130.

Weerarkan ay Samy iyo saaxiibadii Paris la beegsadeen waxa sheegtay kooxda mintidka ah ee ISIS iyagoo sheegay in ay kaga aar goosanayeen Faransiiska duqaymo uu ku hayo kooxda ISIS ee ka dagaalanta Suuriya.

Bandhige@gmail.com