Madaxweynaha Jsl oo shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ku timid ganacsade Marxuum Cali Nuur Cawaale oo maanta ku geeriyooday Hargeysa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, ganacsatada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee ganacsade Marxuum Cali Nuur Cawaale oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 26/10/2019, Caasimada Hargeysa, laguna aasay.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa ganacsatada kana soo shaqeeyey dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, waxaana maanta aas qaran oo madaxweynuhu ka qaybgalay loogu sameeyey xabaalaha baqiic ee waqooyiga Caasimada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, ganacsatada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.