Madaxweyne Obama waxa si weyn loogu soo dhaweeyey Itoobiya

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa goor dambe oo Axaddii ah gaadhay Addis Ababa, xarunta Itoobiya, halkaas oo uu ku qaadan doono qooqasho 3 maalmood ah.

Barack Obama wuxu noqday Madaxweynihii kowaad ee Maraykan ah ee isagoo xilka haya booqday Itoobiya oo ah dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan.

Madaxweynaha Maraykanku wuxu ka soo kicitimay Kiiniya oo uu kaga qayb-galay shirkii caalamiga ahaa ee hal-abuurrada ganacsiga isagoo sidoo kale halkaa kula kulmay walaalihii iyo xubno ka mid ah qoyskooda iyadoo uu aabihii ka soo jeedo Kiiniya.

Inta uu joogo Addis Ababa Madaxweyne Obama wuxu ka qayb-gali doonaa shirka madaxda Afrika iyadoo uu noqonayo madaxweynihii koowaad ee Maraykan ah ee ka qayb-qaata shir-madaxeedka Afrika muddada 52-ka sanno ah ee uu jiray Midowga Afrika.

Booqashadan Madaxweyne Obama ayaa la rajaynayaa in ay dhidibada u sii aasto xidhiidhkii awalba u dhaxeeyey Maraykanka iyo Itoobiya.

Halkan kala soco hadba wixii ka soo kordha booqashadaas.

Bandhige@gmail.com