Shirkii mucaaridka oo la gabagabeeyey iyada oo aan go’aano laga soo saarin

Shirkii mucaaridka uga socday Dalxiis Huteel Hargeysa ayaa la soo gunaanaday iyada oo aan wax go’aana ah la shaacin.

Shirkan oo xukuumaddu maalintii koowaad ka horjoogsatay in ay mucaaridku furaan iyadoo ciidan ku daad-guraysay hudheelladii la filayey in lagu shiro ayaa markii dambe si  habqan iyo is-dhex-yaac ah u furmay kadib markii ay Khamiistii Maxkamaddu u ogolaatay in ay shiraan.

Sida muuqatay labada xisbi ee UCID iyo Waddani si dhab ah ugama ay midaysnayn ujeeddada shirka iyo sida uu u soconayo, taasina waxa ay keentay in haddalo isweydaar ah ay ka soo baxaan madaxda xisbiyada, iyadoo guddoomiyaha UCID uu sheegay in aanu shir qaran ahayn guddoomiyaha saddexaad ee UCID Cali Gurey uu shaki ka muujiyey ajandayaasha shirka, cidda hagaysa iyo sida loo hagayo. Sidoo kale marar badan ayaa shirka dhexdiisa xubno ka socday xisbiga UCID ay qaylo iyo sawaxan abuureen taas oo loo arkay in ay ku muujinayeen cadho ay ka qaadeen daadihinta shirka oo loo arkayey in uu dhinaca waddani u ciirsanaa.

Hase ahaatee Cabdirashiid Xasan-Mataan oo ah guddoomiyaha 2aad ee shirka ayaa oo goor dambe oo Axaddii ah shir-jaraa’id ku qabtay xarunta UCID ayaa sheegay in shirkii si wanaagsan u soo gabagaboobay hase ahaatee go’aannadii ka soo baxay la isku-soo duba-ridayo oo ay ka shaqaynayaan guddi mucaaridka ah kadibna go’aannada lagu shaacin doono madal mar kale la isugu iman doono.

Si kastoo ay tahayba, in aan go’aannadii shirka ee shalay la shaacin kari waayey waxa ay muujinayaan in aan go’aanno sugan ama heshiis lagu yahay la isla qaadan.

Dhanka kale, Cabdirashiid Xasan-Mataan wuxu hadalladii Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay in ay ahaayeen kuwo aan loo fadhiyihin. Wuxuna yidhi:

“Madaxweynuhu wuxu ku celiyey hadalkii ay wasiiradiisu laba bilood ku celcelinayeen ee ahaa in uu muddo-kordhinta ka dhaadhicinayo Golaha Guurtida, taas oo aan ahayn wax cusub. Waxa la eegayay in uu waxaa wax ka duwan la sheego. Lamana filayn xilli waddanku ku jiro xaalad murugsan oo siyaasadeed in uu u baxo waddo toddoba jeer oo hore la soo furay.”

Hoos ka daawo muuqaqal ROYAL TV uu ka duubay hadalka Cabdirashiid Xasan-Mataan:

Bandhige@gmail.com