Obama oo ka ambabaxay Kiiniya kuna sii jeeda Itoobiya

Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ayaa galabta ka ambaxay Kiiniya ku sii jeeda Itoobiya ka dib markii ka qayb galay shirweynihii lixaad ee hal-abuurka ganacsiga Afrika. Obama ayaa la filayaa in uu fiid caawa soo gaadha magaaladda Addis ababa halkaa oo uu booqasho gaaban ku jooga doono.

Obama ayaa inta uu jooga Itoobiya waxa uu ka qayb gali doonaa shirweynaha Midowga Afrika ee ka dhici doona Addis Ababa, waxa kale oo la kulmi doonaan kooxda dhex-dhexaadinta Koonfurta Suudaan.

Socdaal ee qaadarada Afrika ayaa imanaya goor ay qaarada Afrika maalgelin balaadhan ku sameeyeen Shiinu, taasi oo Obama ka dhawaajiyey marka waraysi la yeeshay ka hor booqashadii Kiiniya.

Socdaal Obama ee qaarada ayaa ah mid uu xidhiidh ganacsi la sameeyo Qaarada Afrika, taas oo uu ka qayb gali doono shirweynaha Midowga Afrika.

Socdaalkan Madaxweyne Obama ee Geeska Afrika ayaa mid xidhiidh cusub u furayay waddamada Geeska Afrika.

bandhige@gmail.com