Iyamaa Gar-leh Mucaaridkii iyo Muxaafidkii dooday?(W.Q Xaashi Cabdi)

Beryahan dambe waxaynu la wada soconay in muran ka taagan yahay dhankii doorashadda, islamarkaana uu jiro khilaaf siyaasaddeed  kaasi oo u dhaxeeya xukuumada iyo xisbigeeda kulmiye iyo asxaabta mucaaridkaa.

Muranadaasi siyaasaddeed waa kuwo si weyn looga hadal hayo dalka oo dhan, si balaadhan loogagaga doodo goobaha bulshadu isugu timaado ee loo yaqaan fadhi ku dirirka ee lagu falanqeeyo hadba arrimaha taagan, iyadoo beryahan aad loo hadal hayo khilaafkan siyaasiga ah.

Dulucdaydu waxay tahay  habeen dhaweyd waxaan daawaday Tv-yada Horn Cable TV iyo STAR TV laba dood oo ay isku hor fadhiyeen mucaaridka iyo xukuumaddu oo ay iska soo horjeeda khilaafka siyaasiga ah ee haatan taagan.

Doodahaasi  laysku hor fadhiyey  waxay ahaayeen kuwo fooda lays daray oo  loo kala baxay muxaafid iyo mcuaarid,  runtii  doodii Horn Cable TV oo aan daawaday waxaa is hor fadhiyey labada nin oo isku dhinac ah kana socday asxaabta mucaaridka iyo hal nin oo ka socday xukuumada,  markaan arkay meesha inay kala dhantaalan tahay waxaan arkay inaan meesha caddaalad oolin oo aanu wariyihuhu dhex ka ahayn doodaasi, waayo wuu isu miisaami lahaa doodaa laba iyo laba ayuu keeni lahaa.

Hadaba markii doodii la guda galay waxa xanaaq iyo qeylo isla soo taagay nimankii mucaaridka ka socday wasiir cukuse oo la doodayey  ayaa si yar oo  farshaxan ah runta ugu sheegay, waanan ka helay siduu  doodaa uga hadlaayey waxaanay ahayd miduu dadka  ku qanciyey oo ay u riyaaqeen, halka labadii nin ee kale oo uu wariyihiina soo raacay qeylo iyo cay meeshii la yimaadeen oo buuq abuureen, xitaa hadalkii isu daysan waayeen halkaasi waxaan leeyahay Cukuse waxaad muujiyey ragganimo badan iyo aftahanimo badan.

Waxaa iyada jirtay dood kale oo ay isku hor fadhiyeen  afar nin oo kasoo kala jeeday mucaaridka iyo muxaafidka  labada nin ee ka soo jeeday dhanka mucaaridku waxay ahaayeen Boobe iyo Cali Guray, halka muxaafidkana ay ka socdeen Maxamed Kaahin iyo Cadi Aw Daahir  walow uu suxufigii doodaa daadihinayey si wacan u waday hadalkana u qeybinayey  hadana waxaa xubnaha mucaaridka laga arkaayey  hadba jar isku qaad iyo ismiidaamin muran, qeylo, dhegaysi la’aan iyo waxaan meeshaba looga fadhiyin, halka nimanka muxaafidka ka socday ay dhagaysanayeen markoodana hadlaayeen waliya iyadoo baryayey in lagu ixtiraamo marka ay hadlayaan, maadama ay markooda dhegaysanayaan sidaana ay tahay sharciga doodu.

Ugu danbayntii  labdaaa doodoodba waxaa alaabtooda miisaska ka urursaday  xisbiyadii mucaaridka ka dib markii ay wax ajanda ah keeni waayeen qaarkoodna ay dafireen hor-u-maradii dalka ka jiray.

Aniga iyo bulshaduba waxaanu qabnaa inay mucaaridku guul daro la hoydeen  ceebina raacday.

 

Qalinkii: Xaashi Cabdi

Haashi75@gmail.com

Maqaallada aragtida ah ee ku soo baxa Bandhige fikradaha ay xambaarsan yihiin waxay gaar u yihiin qoraaga.