Wasiirka Maaliyadda ayaa soo bandhigtay hab cusub oo lagu ururinayo cashuuraha dalka

Wasiirka maaliyada Samsam Cabdi Aadan ayaa soo bandhigtay hab cusub oo casri oo looga guuray nidaamkii hore cashuuraha lagu ururin jirey. Habkan cusub ayaa ah mid koombitaraasidh ah.

Kulan ka dhacay shalay Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu soo bandhigayay habkan cusub ee loo qaadi doono cashuuraha.

Wasiirka Maaliyadda ka dib markii habkii hore lagula kacay in la kala koopiyaysto waraaqaha cashuuraha lagu bixiyo, sidoo kale waxay sheegay in aan habkan cusub loo loo isticmaalin in la kala koopiyeyso ama an wax ka badal lagu sameeyo.

Habkan cusub ee casriga ayaa wata qalab lagu hubinayo in warqada cashuurta lagu bixiyey inay tahay mid rasmiya iyo in kale.

Waxa kale oo ay wasiirku sheegtay in kaantaroolada la dhigi doono qalabka lagu hubinayo in gaadhiga maray bixiyey cashuurtii iyo in kale.

Habka cusub ee wasaaraddda Maaliyaddu ayaa kordhin doona dakhli uruurinta cashuuraha taasi ay wasaaraddu dhib badan la mudan jirtay, dhaqaale badana kaga lumi jireen.

bandhige@gmail.com