Xibsiga Waddani oo xukuumadda ku eedayey inay ka danbeysay masuuliyiintii iska casilay

Gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka war bixiyey sababihii ka dambeeyey iscasilaad xubno ka mid ahaa masuulinyiinta Waddani, isaga oo sheegay in dadka xisbiga iska casilay,ay ahaayeen kuwo aanu xisbigu waxba u noqnayn ka tagidooda hase ahaatee ay iyagu arrintaasi aaminsanaayeen.

Cirro oo ka hadlay iscasilaad masuuliyiinta xisbiga waxa uu yidhi:

“Runtii iscasilaadahan la sheegayo ee la leeyahay dadbaa is casilay may jirin cid xisbiga u soo qoratay warqad is casilaada ah, marka laga reebo fanaanada Sahra-Halgan, oo iyadu waraaq is casilaad ah xisbiga usoo qortay, laakiin fanaanada Sahra- Halgan wax xil ah oo ay xisbiga u haysay muu jirin, run ahaantii gabadh sharaf leh ayay ahayd fanaanadu.”

Isagoo hadalkiisa sii watanan waxa uu ka hadlay sababaha keenay iscasilaada Sahra-Halgan waxaanu yidhi:

“Annagu haddii aanu nahay Waddani aragti ahaan waxaan filaynaa inay tahay sababta ay fanaanadu isku casishay, runtii fanaanadu waa Ganacsato, hase ahaatee Xukuumadduni cidii ay Waddani ku tuhunto Cadaadis gooni ah ayay saartaa, waxaanan filayaa in ay fanaanadu la kulantay cadaadis faro badan oo kaga yimid xaga dawladda taas oo ay fanaanadu ka wadan kari wayday hawlaheedii ganacsi, anagu xisbi ahaan sidaa ayaanu u aragnaa.”

Dhinaca kale Cirro waxa uu ka hadlay masuuliyiin kale oo iska casilay Waddani todobaadkii ina waxaanu yidhi:

“Qolooyinka kale ee xisbiga iska casilay anigu waxba odhan maayo, laakiin sida ay warar xogogaal ahi anigu soo gaadheen waxaanu ku tilmaami karnaa, gacan xaga xukuumadda ah oo tuhun badan ayaa jira, laakiin xisbiga Waddani maaha mid uu wax u noqonaayo, xisbiga Waddanina maalinba maalinta ka dambeysa wuu sii badanayaa oo maaha mid taageeradiisa shacbi hoos loo dhigi karro.”

Iscasilaad masuuliyiintan ayaa imanaysa wakhti xisbiga Waddani muran siyaasaddeed oo ka taagan muddo kordhintii Golaha Guurtidu ay u kordhiyeen xukuumadda iyo Golayaasha wakiilada iyo Baarlamaanka.

bandhige@gmail.com