Madaxweyne Siilaanyo oo digreeto ku soo saaray maalinta doorashada dhici doonto

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waxa uu maanta digreeto ku soo wakhtiga doorashada dhacayso, xisbiyada waxay ka dhur sugayeen wakhti doorashada in uu madaxweynuhu ku dhawaaqo.

War-saxaafadeedkiina waxa uu dhignaa sidan:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeeduย JSL/M/XERM/249-3569/092015ย kuย cadeeyey wakhtiga rasmiga ah ee dalka looga dareeridoono Doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Qodobkaย 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Qodobada 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Helay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadiisu tahay GDQ/XK/444/2015 ee ku taariikhaysan 08/09/2015, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Wakhtiga Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee 28/03/2017;

Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Go’aanka Golaha Guurtida JSL ee lambarkiisu yahay GG/JSL/Goโ€™aan Lambar 04/05/2015, kuna taariikhaysan 11/04/2015, ahna Goโ€™aanka Muddo Kordhinta Xilka Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-Xigeenka iyo Goleyaasha Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida);

Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Faqradda 3aad ee Qaraarka Fasiraadda ah ee Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay summadiisu tahay MS/DD/02/2015 kuna taariikhaysan 18/08/2015;

Markuu Ku Qancay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย In baahi loo qabo isla markaana ay lagama maarmaan u tahay hannanka dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimoย xilliga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo Saaray;

Xeerkan oo lagu goโ€™aamiyey in taariikhdu markay tahay 28/03/2017 ay noqoto maalin doorasho oo ay qabsoonto Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

 

Bandhige@gmail.com